|

Sadex Ruux oo lala Xidhiidhiyay Qaraxyadii Jabuuti oo Somaliland ku Wareejisay Jabuuti oo uu Ku Jiro Lacag hayihii Xawaalada Jubba

Hargaysa 23.June 2014 (SDN/QJ)- Xukumadda Somaliland ayaa la sheegay inay saddex qof ku wareejisay Dawladda Jabuuti. Dadkan ayaa laga qabtay Hargeysa, waxaana  lala xidhiidhinayaa inay lug ku lahaaayeen weerar isqarxin ah oo Jabuuti ka dhacay, kaasi oo saddex qof ku dhinteen.

Dad goob jog u ahaa xiliga lala kala wareegayay Maxaabiistaasi ayaa sheegay in Saraakiil reer Jabuuti ah oo wata Diyaarad gaar ahi ka soo degeen Madaarka Hargeysa, islamarkaana lagu wareejiyey saddexda qof oo madaxa loo qariyay, ayna adag tahay in la aqoonsado.

Inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn dadkaasi cida ay yihiin iyo meelaha laga qabtay, haddana warar ayaa sheegaya inuu ku jiro Nin u shaqayn jiray Xawaalada Jubba oo maalmo sii horaysay Boolisku xidhay.

Dadka Lagu Wareejiyaya Saraakiisha Amniga Jabouti ayaa Laga qabtya magaalada Hargaysa Waxa ku jira Lacag Hayihii Xawaalada JUBBA EXPRESS Xafiiska Hargaysa,oo Hore u Qabteen Ciidamada Ka hortaga Argagixisada RRU-du.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu Jiro Ruux Afraynayay Dadka Lagu Wareejiyay ,iyadoo La sheegay inuu Xubin Mihiima ka yahay Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye.

Lama Oga sababta dadkaasi loogu Wareejiyey Dalka Jabuuti ee halkani loogu maxakamadayn waayay, haddiiba uu dabi ku caddaado. Somaliland iyo Jabuuti ayaa hore u sheegay inay iska kaashanayaan baadhista Kiiska Qaraxa Jabuuti oo dadka gaystay dhinaca Somaliland ka galeen Jabuuti

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Hargeysa-Somaliland

 

Comments are closed