Sadex ka Mid ah Askarta Ashabaab oo dhaawacyo ka soo Gaadheen hawl gal ay Ciidamada Punt land ka sameeyeen deegaanka Galgala Sheegayna inay ka Sifeeyeen Kooxdaas
Boosaaso 29.Sep 2013 (SDN)-Saraakiisha ciidanka daraawiishta Puntland ee ku sugan buuralleyda Golis ee galbeedka magaalada Boosaaso ayaa sheegay in xalay ay howgallo ka sameeyeen deegaanno ka tisan tuulada Galgala kuwaas oo ku dhaawacay sida ay sheegeen saddex nin oo ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada daraawiishta ee aagga buuralleyda Galgala Jaamac Siciid Warsame ayaa sheegay in howlgallada ay ciidamadoodu xalay ka sameeyeen deegaanka Sugurre iyo deegaannada ku dhow ay ka saareen koox al-Shabaab ka tirsan oo halkaasi joogtay,Isagoo intaas ku daray inay deegaankaasi haatan ku sugan yihiin Ciidamada Punt land
Jaamac waxa uu sheegay in ciidanka ay howlgalka sameeyeen kaddib markii ay ka war heleen joogitaanka maleeshiyada al-Shabaab, isaga oo intaas raaciyay in dhinaca ciidanka Puntland aysan wax khasaare ahi soo gaarin.
Marka laga yimaado hadalka taliyaha ma jiraan warar madax bannaan oo deegaankaas laga helayo kuwaas oo ku saabsan sida wax u dhaceen.
Deegaanka Sugurre ayaa ka tirsan tuulada Galgala ee gobolka Bari, wuxuuna ku yaallaa dhul buuralley ah oo ay adag tahay in laga helo warar dheeraad ah.
Boosaaso SDN.
Qurbejoog.com