|

Sadex Askari oo Ciidanka Dawlada Somalia oo lagu dilay Afgooye iyo Kismaayo

Muqdisho 30.Aug 2013 (SDN)- Labo nin oo bistoolado ku hubaysan ayaa maanta suuqa weyn ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowlada hoose ee qaabilsan ururinta canshuuraha.

Ciidamada booliska ee degmada Afgooye oo gaaray suuqa weyn oo falka dilka uu ka dhacay ayaa howlgallo ka billaabay in kastoo aan la sheegin cid loo soo qabtay falkaas dilka ah.

Askar ka tirsan ciidamadadowladda ayaa hore loogu dilay degmada Afgooye iyadoo askarigii ugu dambeeyay lagu dilay degmadaas 13-kii bishan August.

Waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay horey u sheegtay in ay wax ka qaban doonto falalka dilka ah ee loo geytso ciidamadda Qaranka.

Geesta kalena Laba askari oo ka tirsanaa maamulka KMG ee Jubba ayaa ku dhintay shaqaaqo galabta ka dhacay koontaroolka Baarcaleen oo ku yaala duleedka magaaladda Kismaayo.

Dad goob-joogayaal  ayaa sheegay in shaqaaqada ay dhex-martay ciidamo ku sugan koontaroolka oo isku dayay inay dhacaan qaad iyo ciidamo kale oo ka hor tagayay dhaca.

Masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba wali kama aysan hadlin shaqaaqada galabta ka dhacdeay duleedka magaaladda Kismaayo.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed