Saddex Wariye Oo Gacanta Nabadsugidda Somalia Ku Jira iyo Wasiirro Ka Qaybgalay Su’aalihii La Weydiinayey
Muqdisho:Aug,18,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Nabadsugidda Somalia ayaa wali xabsiga kula hadhay saddex ka mid ahaa wariyayaal 20-ku dhawaa oo muddo saddex cisho ah u xidhnaa kana tirsanaa idaacadaha Shabelle iyo Sky.
Saddexdan wariye ayey ciidanku diideen inay sii daayaan, waxana ay tirada kale ee wariyayaash u sheegeen inay iska baxaan, balse aan saddexdaas loo ogolayin inay jeelka kasoo baxaan.
Dadka ku hadhay gacanta Nabad Suggida waxaa ka mid ah Milkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud, Ku Xigeenka Madaxa Wararka ee Shabelle Axmed Cabdi Xasan iyo Agaasimaha Idaacada SKY Maxamuud Maxamed Daahir (Carab).
Wararka laga Helayo dhinaca Sirdoonka Somalia, ayaa sheegaya in Xukuumaddu doonayso inay inay saddexdan Wariye Maxkamadda la tiigsadaan, isla-markaana loogu rido xukun muddo dheer ah oo ay kaga aargoosanayaan Dhibka ay ka tirsanayaan.
Saddexduba waxay ku xidhan yihiin Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaala Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, iyadoo Godka Jilicow uu qaybo kala duwan isugu jiro. Waxaana Carab iyo C/maalik si gaar ah loogu hayaa halka loo yaqaano Sheelo Moorto.
Sheelo Moorto waa qol yar oo qiyaastii laba mitir ah, gudahiisu waa mugdi (Habeen iyo maalin ma kala garan kartid) oo waxaa ku hareereysan dhismooyin, qofkana waxaa ku adag in naqaska uu si habsami leh u qaato, iyadoo Dadka reer Muqdishana u garanayaan (Neef diid).
Saraakiishii hore ee Dowladdii Dhexe ee Somaliya, ayaa waxay ku sheegayaan in Neef diid uu halis u yahay nolosha, waxaana loogu talla galay in lagu ciqaabo dadka mugdiga gelinaaya Dowladnimada iyo argagaxisada. Waxayse dadku isweydiinayaan waxa halkaasi loogu xidhay Suxufiyiinta.
Habeenimadii Axada waxay Hay’adda Nabad Suggida ay su’aalo weydiisay Maxamuud Carab iyo C/maalik, isla-markaana waxaa khadka teleefanka la soo geliyay Wasiirka Wasaarada Amniga Khaliif Axmed Ereg, Wasiirka Wasaarada Garsoorka & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Waxaana loo shiday cod ay Idaacaduhu baahiyeen, oo ay kaga hadlayeen dagaalkii Jimcihii ka dhacay Degmada Wadajir, sida ay wariyayaasha la soo daayey sheegeen.
Iyadoo Idaacaduhu ay si toos ah u baahinayeen halkii la kala maraayay, ayaa waxay Hay’adda Nabad Suggidu ku eedeysay inay kicinayeen dareenka bulshada ku nool Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Idaacadaha Shabelle iyo SKY uu ku dhegan yahay Wasiirka Garsoorka & Dastuurka, isagoo ku andacoonaaya in shakhsiyan lagu weeraray Idaacadahaasi, walow aan weli wax cadeymo ah loo hayn.
Xubnaha ka tirsan Nabad Suggida, ayaa kuu xaqiijinaya in Nabad Suggidu aanay heysan Idaacadaha Shabelle iyo SKY, balse ninka ku dhegan yahay uu yahay Wasiir Faarax.
Idaacadahan, ayaa maalintii afraad ka maqan hawada, waxaana hadalheysa bulshada degan Magaalada Muqdisho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com