Saddex Shacab ah Oo Xalay Si Wada Jir ah Loogu Toogtay Goob ay Wada Joogeen Oo Muqdisho Ku Taalla
Muqdisho:Aug,20,2014(SDN/QJ)-Degmada Boondhere ee Gobolka Banaadir waxa xalay Kooxo Hubaysani ku Toogteen Saddex Qof oo wada socday xilliga Dilkooda dhacayey.
Saddexda ruux ayaa waxaa lagu dhex dilay meel foorno ah oo la sheegay inay ka iibsanayeen Xalwo, waxaana Dilkooda fuliyay Lix ruux oo iyagu la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Alshabaab.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday Kooxdii dilka geysatay, waxaana durbadiiba goobta gaadhay Ciidamadda DFS oo iyagu howlgalo ka sameeyay goobta halkaasina ku qabqabtay dad farabadan oo lala xidhiidhinaayay dilka Saddexda Ruux.
Taliyaha ciidamada Saldhiga Boondheere ayaa xaqiijiyay geerida dadkaan wuxuuna dhinaca kale sheegay in ay ku raad jogaan dableydii falkaas gaystay.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa soo wanaagsanaanayey, waxase Dilkani oo shaki geliyey niyad wanaag kooban oo dadka shacabka ahi ay maalmahan dambe ku nuursanayeen.
SDN/QJ