Saddex Carruur ah Oo Uu Waraabe Ku Cunay Deegaanka Kulbiyow Ee Sh/ Hoose
Kismayo:28-Nov-2013(SDN)- Sida ay Sheegayaan wararka ka imanaya Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Sh/Hoose, waxa Dhibaato weyn ku haya Dadka Halkaas Deggen Xayawaanka Waraabaha loo yaqaan, kaas oo ugu yaraan Saddex carruur ah Deegaankaas ku cunay.
Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe Faarax Haybe Xaaji ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida Xayawaanka Dhurwaaga ah u saameeyay dadka ku dhaqan deegaankaasi,isagoona sheegay in Saddex Carruur ah cunay,waxaana uu sidoo kale tilmaamay in maalintii ugu yaraan 100-neef uu u cuno.
Gudoomiyaha ayaa arintaan u sababeeyay roobab laxaad leh oo Deegaankaasi Kulbiyow ka da’aya.
Xayawaanka Dhurwaaga ah ayaa ka mid ah Xayawaanada dadka sida aadka ahi uga baqaan, waxana uu caan ku yahay inuu Xoolaha aad u cuno,balse waxa haatan soo Cusboonaatay inuu cuno caruurta yar yar.
Xayawaankan ayaa sida ay sheegayaan dadka deegaankaas deggeni waxa uu hilibka Dadka ku dhadhamiyey dagaallo dhawaan halkaas ka dhacay oo uu maydadkii halkaas lagaga cararay cunay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com