|

Sababta Turkigu U Joojiyey Mashaariicdii Muqdisho Oo La Ogaaday

Muqdisho:July,13,2014(SDN/QJ)-Turkiga ayaa Gebi ahaanba Joojiyey Mashaariicii horumarineed ee uu ka waday Magaalada Muqdisho,iyadoo sababtana lagu sheegay cabsi laga qabo Xoogagga Al-shabaab oo dardar cusub la soo baxay intii lagu gudo jirey Bishan Ramadaanta.

lonuWararka aanu Helayno ee la xidhiidha Sababta loo joojiyey Mashaariicda Muqdisho, ayaa sheegaya  in Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, ay heshay xog la xidhiidha in shaqaalaha Turkiga  uu weeraro abaabulan kaga soo wajahan yahay Ururka Al Shabaab.

Waxaa la sheegay in weeraradani ay dhici karayaan labada isbuuc ee ka hadhsan bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna taasi keentay in uu Turkiga joojiyo mashaariicdii uu ka waday Muqdisho, inta ka hadhsan Ramadaanka.

Dhammaan shaqaalaha Turkiga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa fasax la siiyay labada isbuuc ee soo socoto, iyadoo loo sheegay inay taxadar badan muujiyaan.

Maxamed Xasan oo ka tirsan shaqaalaha hawlaha nadaafada ee uu Turkigu ka wado Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in shaqaalihii nadaafada laga nasiyay hawlahoodii shaqo.

 

Turkiga waa dalka kaliya ee sida rasmiga ah u taageera dalka iyo dadka Somaliyeed, hadana wuxuu weeraro kala kulmayaa dhinaca Ururka Al Shabaab oo iyagu horeba uga laayey hawl-wadaanno ka shaqaynayey mashaariicda Muqdisho laga Wado.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed