|

Sababta Madaxtooyada Somaliland Uga Hadashay Markii Ugu Horraysay Shika Toddobaadlaha ah Ee Khamiis walba ka dhaca qasriga

Hargeysa:27-Sep-2013(SDN)-Mataxtooyada Somaliland, ayaa Markii Ugu Horraysay ka hadashay waxa uu daarran yahay shirka Golaha wasiirrada oo Maalin kasta oo Khamiis ah ku shira Madaxtooyada Balse aan hore loo ogaan jirin waxa ay ka hadlaan.

 

wasiirroooooAfhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa isagu markii ugu horraysay faahfaahiyey wixii lagaga hadlay shirkaas, waxana uu shir jaraa’id oo uu ugu yeedhay qaar ka mid ah saxaafada dalka ku sharraxay dhawr  arrimood oo u muuqday faan Tookh.

Axmed Saleebaan Dhuxul, afhayeenka Madaxtooyada, ayaa sheegay inay shirkii shalay ee Golaha Wasiirrada ku ansixiyeen Miisaaniyad-sanadeedka 2014-ka iyo waliba arrimo kale oo uu ku sheegay inay ahaayeen horumar ballaadhan oo ay xukuumaddu ku tallaabsatay.

 

Waxa uu dhuxul ku nuuxnuuxsaday inay xukuumaddu meelo badan horumar ka samaysay dhinacyo badan oo aan hore wax looga qabanin, waxana uu Guul ku tilmaamay shaqaaqooyin meelo dalka ka dhacay oo uu sheegay inay xukuumaddu dhamaynteeda masuul ka ahayd.

Tan iyo intii xukuumaddani  ay hoggaanka qabatay, ma ay dhici jirin in shacabka loo sheego waxa lagaga hadlay shirka Golaha wasiirrada ee khamiisaha ka dhaca madaxtooyada, waxana ay taasi ahayd hal-xidhaale ay shacabku sugayeen xilliga ay xukuumaddu ka jawaabi doonto, balse jawaabtan shalay Madaxtooyadu bixisay, ayaa loo arkaa kaliya inay ahayd inay xukuumaddu isku qancisay in dadka loo sheego ansixinta Miisaaniyadda.

Madaxtooyada Somaliland ayaa Guul u aragta  miisaaniyaddan ay sheegeen inay wasiirradu ansixiyeen, waxana ay sheegeen inay si aad ah sanadkan u korodhay oo ka badan tahay kuwii ay hore u soo gudbin  jireen xukuumad ahaan, taasina waxa ay keentay inay ku dhiirridaan inay dadka wax u sheegaan.

Miisaaniyaddan Haddaba la sheegayo inay korodhay ayaa kaliya ku  korodhay cadaadis  korodh xooggan oo shay kasta cashuurtiisii la laban laabay, waxana ay taasi keentay in xukuumadda dakhli kii  hore ka badani  uu soo galo, balse dadkii ganacsatada ahaa iyo danyartii kaleba ay noloshoodii cidhiidhi sii gelayso maalinba maalinta ka dambaysa.

Hadalkan ka soo yeedhay madaxtooyada ee ay ku baahinaysa natiijada shirka wasiirrada, ayaa waxa ay dad badani u arkaan inuu ku ekaanayo kaliya maalinta ay xukuumaddu isku qanciso inay horumar ay dadka u sheegi karto haysato, balse  lama sheegi doono shirarka kale ee khamiisaha kale dhacaya, kuwaas  oo  mar marka qaar uu buuq iyo is qabqabsi badani ka dhex abuurmo Golaha wasiirada oo isku qabsada hawlahooda shaqo oo isku dhex milma inta badan.

Xukuumaddan haatan jirta ayaa kaliya lagu xasuusan doonaa inay tahay xukuumaddii ugu cashuur kordhinta badnayd ee intii ay jirtey shacabku galo noloshii ugu adkayd tan iyo intii Somaliland jirtey, waxana haatan si aad ah loo dareemayaa ina sanadba sanadka ka sii dambeeya nolosha waddankii cidhiidhi sii gelayso, waxana haatan waddanka inay meel kale uga wareegaan laga warwar qabaa ganacsato waaweyn oo dhibaato ku qaba cashuuro si xad-dhaaf ah loo kordhiyey si looga raadiyo miisaaniyado badan oo la iska sii odorasay.

Su’aasha ayaa ah madaxtooyadu ma sii wadi doontaa ka hadalka iyo inay bulshadeeda u soo bandhigto natiijada shirarka wasiirrada ee maalmaha khamiisaha, mise waxa kaliya oo ay ku koobnaa doontaa maalinta golaha lagaga hadlo wax xukuumaddu guul u aragto.

 

SDN.

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa/Somaliland

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed