Sababaha Rasmiga ah ee ay Salka ku hayso Qaaddacaadda Diiwaangelinta ee Mucaaridku
Hargaysa 14.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa Wargeyska Himilo Masuuliyiin ka tirsan waxa uu si qoto dheer uga waraystay sababaha rasmiga ah ee ay wada-jirka ugu qaaddeceen Khamiistii diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Xukuumadda Somaliland doonayso inay dalka ka hirgeliso oo ay hore u sheegtay inay bilaabayso bishan September ee aynu hadda ku jirno dabayaaaqadeeda, hase-yeeshee ay labada Xisbi go’aan ay Khamiistii soo wada-saareen ku sheegeen inay qaaddeceen.
Haddaba, si bal aynu sababaha rasmiga ah ee ay qaaddacaaddaas labada Xisbi Mucaarad salka ku hayso wax uga ogaanno, isla markaana Wargeyska Himilo Akhristayaashiisa kala duwan ugu soo bandhigo, waxa ay Weriyeyaasha Himilo Waraysiyo kala duwan la yeesheen Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa, kuwaasoo ka jawaabay su’aalo door ah oo ay Weriyeyaasha Himilo ka weydiiyeen sababta keentay inay qaaddacaan diiwaangelinta lagu xaqiijinayo Muwaaddinnimada dadka Somaliland u dhashay.
Waxay labadan Masuul ka warrameen qodobbada keenay qaaddacaaddooda iyo waxay soo kordhin karto. Ugu horreyn Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubba Afhayeenka Xisbiga WADDANI, ayaannu weydiinnay su’aal nuxurkeedu ahaa miyaanay qaaddacaaddu dib u dhaca aad sheegaysaan inay xukuumaddu doonayso in ay doorashada iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ku yimaaddaan aanay keeni karin tani?
Waxaanu Afhayeen Buubbaa ku jawaabay sidan; “Qaaddacaadda Xisbiyada Mucaaradka ahi ma sii fogaynayso wakhtiga doorashada iyo diiwaanglelinta Cod-bixiyeyaasha toona, ee way soo dhawaynaysaa, ee waxa fogaynaya ee dib-u-dhaca doonayaa waa Xukuumaddan talada dalka haysa ee leh qalabkii baannu keennay oo Lacagta aannu ku soo iibinnay annagu bixinnay, lacag aan sharci ahayn oo aanay Golayaasha Sharci-dejinta hor-keenin ee xaaraanta iyo hanti-boobka Shacabka caadaysatay ayaa qorsheheedu yahay in doorashadu dib u dhacdo oo ay muddo-kordhin hesho, diiwaangelinta cod-bixiyeyaashuna dib u dhacdo, taasna Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ma yeelayaan ee go’aan cad bay ka soo saareen shalay (Khamiistii) oo ay ku caddeeyeen mawqifkooda iyo inaanay aqbalaynin waxan ay Xukuumadda iyo Wasiirka arrimaha guduhu isku qasayaan ee ah inay madaxa isu geliyaan labada diiwaangelinood iyo ka tallaabsiga ama jebinta heshiisyadii hore loo wada galay.”
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa uu yahay waxa ay Xukuumaddu madaxa isugu gelisay labada diiwaan-gelinood ee Cod-bixiyeyaasha iyo Madaniga ee ay diiddan yihiin, waxa uu yidhi; “Waxay isugu gelisay waxa weeye Xeerka ay soo samaysatay ee Wasiirka arrimaha guduhu doonayo inuu dalka iyo dadkaba ku khalkhaliyo ee odhanaya qof aan Kaadhka diiwaangelinta madaniga ah qaadannini ka codbixinta ma qaadan karo iyo lama qaban karo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha illaa ta madaniga ah la dhammeeyo, dee adeer diiwaangelinta madaniga ahi wax dhammaan kara oo wakhti leh maaha, waa wax weligeed soconaysa, horena way u socotay oo dawladaha hoose ee dalka ayaa bixin jiray Taysarada (Kaadhka) dhalashada, oo qof aan kaadhka dhalashada lahayni Baasaabboorkeenna ma qaadan karo. Markaa, ujeeddada ay ka leedahay waxa weeye inay dalkan iyo dadkan madaxa isu geliso oo ay doorashadu dib u dhacdo oo labada boqol ee goobood ee uu leeyahay Wasiir Waran-cadde waa lagu qabanayaa diiwaangelitna Madaniga ah lagu saleeyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo la ydihaahdo labadaa boqol ee goobood ciddii kaadh ka qaadatay ayuun baa ta cod-bixinta qaadanaysa, doorashadana codaynaysa, adeer waxaasi wax aannu aqbali karno maaha, dadkana maaha in caqligooda la caayo oo wax sabigu fahmayo iyo kaadhkan baa la innagu aqoonsanayaa wax ka soconaya maaha ee waa wax la iska wada arkayo. Markaa, waxa aannu diiddannahay waa waxaas mana aqbalayno.”
Md. Buubbaa oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Madaxtooyaduba ay Golaha Wakiillada hor-tageen bishan gudaheeda oo ay ka jawaabeen su’aalo arrimahaa xeerka laga weydiiyey, gaar ahaan qodobbada saluugga Mucaaradku ka muujiyey oo ay idiin sheegeen in Xeerka wax ka qaldami karaan, laakiin sixitaankiisa, wax ka beddelkiisa iyo kaabistiisaba ay Gole ahaan awood sharci ah u leeyihiin, sababta ay waajibkooda Xeerkaas ka saaran Gole ahaan u gudan la’yihiin waxay tahay iyo inay iyaga laftoodu buriyeen heshiiskii ahaa in diiwaangelinta madaniga ah la soo hormariyo, waxa uu ku ku jawaabay; “Xeerka in Goluhu saxo waxa ka horreysa inay iyadu soo saxdo oo wax saxan ay hor-keento Golaha, Goluhuna sii ambo-qaado oo dib u eegis ku sameeyo, laakiin Xeerkanba waxa ka horreeya ee sixitaanka iyo ku dhaqanka u baahani waxa weeyaan Heshiisyadii la wada galay ee Xisbiyadu saxeexeen, ee Wasiirka arrimaha guduhu saxeexay, ee Madaxweynuhu saxeexay ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha caalamkuba goob-joogga ka ahaayeen waa in kuwaas ay Xukuumaddu ku dhaqanto, wixii heshiis jiray oo dhan waan burburinayaa, xeer aan qiil ku raadinayana waan soo samaysanayaa ee Goluhu waajibkiisa haka guto wax Xukuumaddan ka soconaya oo aannu ka yeelayno maaha ee haku dhaqanto oo ha hirgeliso waxa ay Madaxweyne illaa Wasiir saxeexeen oo immikadaa haddaad ii soo doonato aan heshiis kasta dhukumantigiisii oo mid walba ay saxeexeen ku tusi karo oo ku siin karo, kaas baa ka horreeya Xeerkan. Heshiis annagu aannu jebinnayna ma jiro oo Xisbiyada UCID iyo WADDANI jebiyeen ee cidda heshiiska jebisay ee ummadda ay masuulka ka tahay, Xisbiyada, Beesha caalamka ee inna taageera iyo Qaranka oo dhan beenta u sheegtay waa Xukuumadda ee doonaysa inay intaba khiyaamayso oo ay dalka, dadka iyo caalamkaba khiyaamayso.”
Xildhibaanka oo la weydiiyey in sababta ay Gole ahaan inay Xeerka Waajibkooda ka gutaan ay Mucaaradku uga warwareegayaan lagu tilmaami karo inay ka cabsi qabaan in wax ka beddelka qodobbada ay saluugsan yihiin lagaga awood roonaado oo Golaha aqlabiyaddiisu noqoto in lagu ansixiyo sida ay Xukuumaddu u soo dhigatay waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Maya baqashadaasi ma jirto, oo Golaha Xildhibaannada Xisbiyada Mucaaradka ah baaba ku badan. Laakiin, go’aanka Goluhu haddii uu noqdo in sidiisa lagu ansixiyo iyo in wax laga beddelaba awood buu u leeyahay oo ka uu noqdo ee uu isku raacaaba waa sax oo waa sharci, mana diiddani. Laakiin, waxaannu leenahay waar wixii Xeerkan ka horreeyey halla hirgeliyo, Xeerkana markaa Goluhu waajibkiisa haka guto labada siyoodba waa wax dhici kara oo suugal ka noqon kara Golaha’e.”
Sidoo kale, mar wax laga weydiiyey in Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta Somaliland-ba Xisbiyada Mucaaradka ah la xidhiidhiyeen dawladda federaalka Soomaaliya oo diiddan diiwaangelinta Caalamkana ka dalbatay inaanay ka caawin Somaliland diiwaangelinta Madaniga ah, diidmadooduna ay taas la xidhiidho iyo waxa ka jira eedayntaas, waxaanu Xildhibaan Buubaa ku jawaabay; “Taasi waa waxaan waxba ka jirin oo been iyo borobagaande ay Xukuumadda iyo Wasiirradeedu samaynayaan oo ay abuurayaan weeye, been cad weeye. Waxaanan kuu sheegayaa inay meel kaga dheceen oo ay ku gefeen Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha caalamka ee halkan soo gaadhsiiyey dimuquraadiyadda Somaliland ee cidlada innagala soo bilaabay ee intaas oo doorasho inna garab-taagnaa. Waa la wada fadhiyey oo markii heshiisyadan la galayey iyagoo goob-joog ka ahaa Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay Xukuumaddu tidhi waxaannu samaynaynaa diiwaangelin Madani ah. Runta ayay u sheegeen oo waxay yidhaahdeen annagu waxaannu idinka caawinaynaa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashada, ee diiwaangelinta dhalashada annagu idinka caawin mayno ee dawlad baad tihiine idinkay idiin taallaa. Markaa, dalalka caalamka ee aynaan waxba ku lahayn ee mar walba innagu garab-taagan inaynu diiwaangelin cod-bixineed oo sax ah helno iyo inaynu doorashooyin xor iyo xalaal ah aynu galno ee intaas oo Milyan ee Doollar mar walba doorashadeenna ku bixinaya iyagoon waxba innaga faa’iidaynin in cay iyo aflagaaddo iyo Soomaaliya ayaa wax u yeedhinaysa oo leh diida oo ay aqbaleen waa ku gef, waanannu ka raalli gelinaynaa Beesha caalamka aflagaaddada qaawan ee Wasiirrada Xukuumadda talada Somaliland haysaa sida badheedhka ah ugula kaceen ka raalli ahaada baannu leenahay kulama soconno Xisbiyo ahaan, Shacabkuna kulama socdaan ee waa ku keligeede.”
Mar Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa la weydiiyey in Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi-Cukuse oo ka jawaabayey go’aanka labada Xisbi ee Mucaaradka ahi ku qaaddaceen diiwaangelinta yahay wax ay soo saareen Ku-simayaasha labada Guddoomiye ee WADDANI iyo UCID oo dibedda ku maqan oo aan wax rasmi ah loo qaadan karin, waxa uu ku jawaabay; “Wasiirka Warfaafinta ee leh waa go’aanka labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID shalay (khamiistii) soo saareen waxa soo saaray Ku-simayaal Guddoomiyeyaal oo wax ka soconaya maaha. Waxaannu leenahay Adigu ma Xisbiyada ayaad ka tirsan tahay, maxaa ku ogeysiiyey waxaad ka sheekaynayso? Waxaannu leenahay wuu iska hadlay, go’aankanina go’aan sharci ah oo ay UCID iyo WADDANI ku midaysan yihiin oo wada jir u gaadheen weeye oo waxay Wasiir Waran-cadde iyo Xukuumaddu isku qooshayaan ka dhan ah oo aannu ku muujinnay inaannaan waxaa la isku qasayo oggolayn, waxna ka soconaynin, waxanina waa go’aan sharci ah oo labada Xisbi gaadheen, Somaliland-na Sharciga Xisbiyada marka la eego waxa lagu qabsan yahay waxa ay laba Xisbi isku raacaan in loo hoggaansamo.”
Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa oo sidoo kale xalay Khadka Taleefanka ugu warramay Wargeyska Himilo, waxa aannu ugu horreyn wax ka weydiinnay sababta ay Xisbiyada UCID iyo WADDANI ku qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga ah, waxaanu ku jawaabay; “Diiwaangelinta Madaniga ah horta annagu marnaba maannaan diidin markii hore oo mashruuc dawladdu wadatay buu ahaa oo ah dadka muwaaddiniinta waddanka u dhashay in la diiwaangeliyo marnaba kamaannaan soo horjeedin. Laakiin, waxa jira Heshiisyo hore oo Xukuumaddu nala gashay oo Beesha caalamkuna nala ogeyd oo xataa Af Ingiriisi loo turjumay loo gudbiyey oo la isla wada ogaa oo ahayd in labada diiwaangelinood aanay isku xidhnayn ee ay si laba dhinac (Bural) ah u socoto diiwaangelintan Cod-bixiyeyaasha ee doorashada aynu ku doonaynaana tahay mid caalamku innaga caawinayo oo ahayd in doorasho iyo nidaamkii dimuquraadiyadda la wado, tan kale ee Madaniga ahna ay Xukuumaddu wadday oo waxaannu ku diidnaa jirin oo aannaan ka soo horjeedin.”
“Laakiin, waxaannu ku diidnay hadda waxa weeye dhawaan markii aannu aragnay khiyaamada ku oogan diiwaangelinta madaniga ah, waxa jira in Xeerkii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee hore u jiray ayuun baa waxa lagu lifaaqay Xeer aan hore u jirin oo ah Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah, laba Xeer oo mid jiray iyo mid qabyo-qoraal ahna madaxa la isuma geliyo. Xeerkaa Qabyo-qoraalka ahna waxa ku qoran marka diiwaangelinta Madaniga ahi dhammaato ayuun baa ta Cod-bixiyeyaashana la samaynayaa, diiwaangelinta Madaniga ahina meel ay ku dhammaataa ma jirto oo Muwaaddiniintu kolba way imanayaan oo way dhalanayaan oo waa la diiwaangelinayaa ee wax meel ku dhammaada maaha.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal.
Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxyaabaha aannu ku diidnay diiwaangelinta madaniga ah waxa ka mid ah diiwaangelinta madaniga ah oo wejigii hore ee ay lahayd laga beddalay oo wejigeeda hore waxa uu ahaa in reerka oo dhan tusaale ahaan qoska qofka u yar ee caawa dhashay iyo Odayga u weyn la diiwaangeliyo oo muwaaddiniinta oo dhan la sugo, laakiin wejigii hore wey beddeshay Xukuumaddu oo waxay ka dhigtay diiwaangelin 16 jir iyo wixii ka weyn la diiwaangeliyo, taasoo u ekaanaysa tii cod-bixiiyeyaasha, markaa waxa weeyaan khiyaamo ayaa ku jirta oo tii madaniga ahayd ee annagu aannu ogeyn la beddelay oo gebigeedii-ba laga dhigay inaan inanka 15-jirka ah iyo wixii ka sii yar la diiwangelinaynin, waayo wixiiba way qaseen oo waxay yidhaahdeen ciddii kaadhka qaadata oo lix iyo toban jir iyo wixii ka badan baa qaadanaya ee Cali Waran-cadde lahaa qofka codaynayaa kaadhkan buu qaadanayaa ka xawaalad tegayaa kan buu qaadanayaa, markaa Kaadh ay Xukuumaddu qaybinayso oo cidday doonayso ay siinayso maxaa noo dammaanad ah haddaannu nahay Xisbiyada Mucaaradka ah, xaggee lagu arkay laba nin oo Kubbad wada ciyaaraya ama saddex nin oo Kubbad wada ciyaaraya oo midkood seedhi-wale noqdo, sidee ninka aad wada ciyaaraysaan garsoore kuugu noqon karaa?”
Waxaanu Jamaal intaas ku sii ladhay; “Sababta aannu ku diidayno waxa ka mid ah diiwaangelintii madaniga ahayd oo gebigeedii la beddelay, oo jewigeedii la beddelay oo khiyaamo ku jirto. Qodobka labaad ee aannu ku diidnay waxa weeye iyadoo labadii diiwaangelinood la isku xidhayo oo la odhanayo markay diiwaangelinta madaniga ahi dhammaato ayuun baa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha la gelayaa, taasoo aan la garanayn wakhtiga ay noqonayso, doorasho xilli ay dhacayso aan la garanayn.”
“Markaa, annagu waxaannu u aragnaa xeelad la doonayo in dib loogu dhigo doorashada oo wakhti dheeraad ah lagu darsado. Waxa kale oo aannu ku diidnay oo aannu kaga soo horjeednaa in cid iyagu ay Kaadh siiyeen oo keliyi codayn karto oo intay kaadhadh badan iska soo samaystaan ay maalintaa iyagu qaybiyaan oo cidday iyagu siiyeen uuni codayn karto. Waxa kale oo aannu kaga soo horjeednaa waxa weeye markaannu aragnay Beenaha faraha badan leh ee Xukuumaddani noo maleegtay, Qoraallo ayay noo saxeexday caalamku markhaati nooga ahaa, wadahadallo ayaannu lagalnay na sugabay yidhaahdeen wax baannu saxaynaaye, markaa waxaannu u aragnay inay diiwaangelintan madaniga ahi tahay hubka ugu weyn ee ay doonayso inay nagu khiyaamayso, markaa sidaa daraaddeed baannu u qaaddacnay diiwaangelinta Madaniga ah.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen
Mar la weydiiyey qodobbada ugu waaweyn ee ay ku eedaynayaan inay Xukuumaddu jebisay ama aanay weli fulin ee heshiisyada ay wada—gaadheen ah waxa uu yidhi; “Waxa ugu waaweyn 1- in doorashada la derder-geliyo oo aan doorashada la carqaladaynin. 2 in labada diiwaangelinood isasaamaynin oo ay noqdaan laba diiwaangelinood oo is-barbar-socda. 3- in diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu bilaabanta bishan aynu ku jirno ee September 2014-ka oo ay immika bilaabanto ayay ahayd, dawladduna muran bay gelisay, murankaasna waxay ku doonaysaa inay korodhsato oo doorashada dib u dhigto, muran badheedh ah bay waddaa shacabka iyo Xisbiyaduna ka yeeli maayaan, diiwaangelin madani ah oo lix iyo toban jir iyo wax ka weyn la leeyahay waa lagu diiwaangelinayaa waa khiyaamo badheedh ah oo ay Xukuumaddu ku kacayso, taasna laga yeeli maayo.”
“Waxa kale oo aannu ku qaaddacnay waxa weeye in goobaha diiwaangelinta ay ka dhigtay laba boqol oo goobood, halka ay doorashada iyo diiwaangelintii hore goobaha ugu yari ahaayeen 1800 kun iyo siddeed boqol oo goobood si goordhowna loo yidhaahdo goobahaa diiwaangelinta madaniga ahi ka dhacday ayuun baa diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashada lagu qabanayaa, waxaasi waa khiyaamo badheedh ah oo aannaan aqbalayn oo sharci-darro ah oo aan Baarlamaanka laga ansixin ee ay qalab iska soo iibsato oo ay Lacag iska shubato oo ay Maayerrada ka goostaan, wuxuun baannu nidhaahnaa waa maxay waxan oo xashiish ah ee magaalooyinka buuxiyey, illeen waa niman Lacagtiiba laga goostay, Mashruuc xaaraan ah oo Wasiirka arrimaha guduhu wado weeye oo ay Maayerrada cunaha ku qabanayaan, waxaanay dawladdu u dhaqmaysaa sidii Gaangiska (Gunges) ciyaala-suuqa.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo waraysi gaar ah uu Wargeyska Himilo xalay la yeeshay.
Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta Somaliland oo aannu isku daynay inaannu dhinacooda wax ka weydiinno doodda Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaanay noo suuragalelin inaannu ku helno Khadka Taleefannadooda Gacanta oo aannu kula xidhiidhnay, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen. Hase-yeeshee, Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi-Cukuse oo ka hadlay Khamiistii qaaddacaadda Xisbiyada ee Diiwaangelinta Madaniga ah, ayaa ku dooday inaanay jirin heshiisyo la galay oo ay Xukuumaddu jebisay ama ka baxday.
Xigasho Wargeyska Himilo.