|

Sababaha horseeda ama keena Furiinka oo la ogaaday ( Sir Culus oo loo baahnaa)

Sababaha  qoyska u horseedi kara furiin ayaa lagu miCneeyay in ay sal u tahay dhowrka qodob ee soo socda sida aan warbixintan ku helnay, waxaa laga yabaa in war bixintan ay ka maqan tahay qodobo aad is dhihi lahayd waa loo baahnaa, balse qoraaga ayaa inoo qaadaa dhigaya ee ka bogasho wacan,

 

1- haddii ruuxa uu bakhayl yahay oo uuna  rabin inuu keeno waxa loo baahan yahay ee guriga ku saabsan, middaas waxay soo dedejin kartaa dalaaqa.
2- qaabka carruurta loo tarbiyeeyo taasna waxa keeni kartaa khilaaf soo dhexgali kara laba isqaba

3- galmada oo si fiican looga dhergin, haddii uuna ka dhergeynin ruux ka mid ah laba isqaba waxaa laga yaabaa inay arrintaas keento nacayb iyo kala tag

4- shaqada guriga, dadka qaarkii waxay rabaan in la isla qabto shaqada guriga, haddii midkooda ka soo bixi waayo shaqadaas waxaa laga yaabaa in la kalatago siiba dadka ku nool yurubta.

5- kalama maqnaansho daran oo keeni kara in labada ruux ay is illaawaan ama safar dheer ama la sheekaysi la’aan.

6- saaxiib xun, haddii midkooda uu leeyahay saaxib xun kan kalena uuna rabin taas waxay keeni kartaa kala tag

7- haddii midkooda uu leeyahay dhaqan xun kan kalena uuna ka helin sida qayilaada oo kale.

8- qaraabo xun, marmar waxaa guriga dumiya ninka dadkiisa ama naagta dadkeeda

9- rajo aan dhab ahayn il iska dhaadhiciyo in lacag farabadan la helayo ama guri fiican lagu noolaanayo wixiina aan la helin, inta badan waxay dhacdaa marka la is shukaansanayo

Source: http://raaxadaguurka.blogspot.se

Comments are closed