|

Daruuro Colaadeed oo Hadheeyay Deegaamada Qorilugud iyo Buuhoodle iyo Xukuumada oo Afka ka Xidhatay

Qorilugud 15.May 2014 (SDN/QJ)-Shalay Subax Ayaa Shan Nin Oo Ka Soo Jeeda Degmada Buuhoodle Waxay Si Badheedha U dileen Marxuun Ka Soo Jeeday Degmada Qorilugud Inta Ka Dibna Dadkii Deegaanka Qorilugud Waxay Sameeyen Gurmad Ay Kaga Jawaabayan Arinka Foosha Xun Iyado Dagaal Shalay Galinkii Danbe Dhex Maray Ay Ku Dileen Hal Qof Halka Ay Mid Kalena Dhaawaceen Oo Ka Soo Jeeda Deegaanka Buhoodle

 

Dadka Ku sugan Qorilugud  Ayaa Noo Sheegay In Halkaas Lagu Isku Hor Fadhiya Una Dhaw In Dagaal Ka Qarxo Kuwaas Oo Tilmaamay In Ciidamada Qaranka Ee Ku Sugan Deegaamadaasi Aanay Wax Tallaabo Ah Qaadin Oo Ay Isku Daawanayaan, Halka Aan Wax Dhex Dhexaadin Ah Aanay U Dirin Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee Tallad Dalka Haysa, Halka Xaalada Laga Baqaayo In Qalalaase ka dhaco Deegaamadaasi. Goob Joogayaasha Qorilugudnews Uga Waramayey Colaada ka soo cusboonaatay Deegaanada hoos yimaad Degamada Qorilugud, ayaa sheegay in inay Xaaladdu Kacsan Tahay iyo Indho ka Qarsiga Xukuumadda Somaliland Iyada oo La wada Ogsoon Yahay inay Nimanka Dagaaladii hore ku dhinteen ay ka soo jeedeen Beesha Degta Deegaanada Degmada Qorilugad oo ka mid ah Beelaha Habar-jeclo, kuwa ugu Tunka Weyn, kuwaas oo lagu soo qaday Weerar Gaadmo Ahaa oo ay ku soo qaadeen Maleeshiyaad ka soo jeeda Beelaha Dhulmahante Ee Dega Buuhoodle

Halkaas Oo Dad Deegaanka Qorilugudna Ay Inta Badan Ku Baaqaan Nabad Iyo Wada Noolaansho Labada Deegaan Ee Ood Wadaagta Ay Yeeshaan Se Waxay U Muuqataa In Reer Buhoodle Wacad Fureen Kana Baxeen Nabadii Waan Waandii Iyo Heshiisyadii La Waday

Waxa kale oo Wararku intaas ku darayaan in Beesha Degta Buuhoodle ay Ciidamo Beeleedyo soo dhoobtay Maygaagle, halka beesha kalena ee ka soo Jeeda Qurilugad ay iyaguna Ciidamo ku Ururiyeen Maskax-buqle, Waxaana la tilmaamay in Goobaha la keenay Ciidamo Beeleedka ay Isu Muuqdaan. Dadka ku dhaqan deegaanada u dhow Maskax-Buqle ayaa Qorilugudnews u sheegay in Xaalad Cakiran oo Kacsani ay halkaas ka jirto, Gurmad badana oo Labada dhinac ahna ka Imanaayo Magaalada Buuhoodle iyo Qorilugud, balse dhinaca kale wararku waxay intaas ku darayaan in Maleeshiyaadka lagu Ururiyey Deegaanka Cumar Aji Ay Wataan Gaadiid ay ka mid yihiinTiknikada Dagaalka oo Quryo saaran yihiin ay kuwaas oo Ay Ku Soo Hoos dhuunteen Koox Ka Mid Ah Nabad-Diidka La Magac baxay Khaatumo Seeg, Inkasta Oo laga Dayriyey Ammaanka Halkaas ayaa ilaa iyo hadda Aanay jirin Wax Waan-waan ah oo Laga Dhex Wado Labada Dhinac iyo Xukuumadda oo ilaa hadda aan wax Tallaabo ah qaadin. Dhinaca kale Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku Sugan Deegaamada Hadh-La’da Ayaan wax Tallaabo ah Qaadin, Iyada oo la Sheegayo in laga Cabsi Qabo Dagaal Kale Oo Halkaas Ka Dhaca, Haddii Aan wax Tallaabo Ah La Qaadin.

Qorilugud SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed