|

Saamaynta Isgaadhsiinta Casriga Ahi Ku Yeelatay Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland

Hargeysa, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – Waxa Doraad la soo Gabogabeeyay Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad ee Dugsiyada Dhexe iyo Fasallada Afraad ee Dugsiyada sare ee Somaliland, kaasi oo Dhowrkii Maalmood ee u dambeeya ka socday 190 Goobood oo loo asteeyay.

whats appImtixaanka sanadka waxaa hadheeyay buuq iyo Qish badan, taasi oo ay sababtay Tiknoolajiyadda  oo ay ka mid yihiin Moobeyllo Casriya oo Ardaydu Imtixaanka ku galaysay waxay inta badan  su’aalihii iyo jawaabihii imtixaanka  iskaga sheegayeen   degallada ay bulshadu ku wada xidhiidho.

Goobaha qaar oo imtixaan lagu galayay ayaa la xidhay kadib markii ay isku dhaceen ardeydii imtixaanka galaysay iyo macalimiintii ilaalada ahaa kuwaasi oo isku maandhaafay Qish ay ardeydu doonaysay inay sameeyaan, balse macalimiintu ka diiday.

Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayay wasaarada waxbarashada Somaliland si gaar u tilmaantay kuwaasi oo ay ku eedeysay inay ardaydooda u dirayeen Qishka imtixaanka, qaarkoodna Wasaaraddu ku qabatay, “Laba meelood oo ka mid ah Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayuu Qishku dhex fadhiistay, sababtuna waa nin tukaankiisa in dad wanaagsani uga soo baxaan doonaya”ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi-dheere, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay jireen niman suuqa ku iibinayay imtixaano hore loo qaaday kuwaasi oo ardayda uga dhigayay imtixaanka Sannadkan.

“Raggii suuqa ku iibinayay waanu soo xidhnay, qoladii ka wada hadlaysay (whats app ka) waa la hayaa iyaga oo koox ah, iyo wixii ay isku dirayeen”ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Shalay la hadlayey Warbaahinta, waxaanu intaa ku daray, “Anigaa whats app-ka la iigu soo diray imtixaanka waxaa uu noqday kii saddex sano ka hor laga qaaday ardeyda oo dhinac kale ayaa loo jeedinayaa, Daa’uud (Guddoomiyaha imtixaanaadka qaranka) ayaan ku idhi eeg wuxuu igu yidhi waanu haynaa imtixaanka oo isagii maaha”

Somaliland waxaa inta badan kaalmaha hore ka gala imtixaanka shahaadiga dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay inta badan dhigaan macalimiinta diyaarisa imtixaanka dawladdu qaado.

Maamule ka ahaa kormeere Dugsi lagu galayay imtixaanka ayaa lagu xidhay magaalada Gabiley, kadib markii uu ardayda u ogolaaday inay imtixaanka dibadda kaga soo shaqeeyaan waxaa kale oo wasaarada waxbarashadu imtixaanadii ka joojisay dugsiyo lagu dagaalamay.

Waa markii u horeysay ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiiska imtixaanaadka Qaranku ka joojiyaan dugsiyo lagu dagaalamay imtixaanka.

Comments are closed