Saamaynta Dagaalada Yemen ku Yeesheen Dhoofkii Xoolaha Ka Bixi Jiray Dekeda Berbera {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.April 2015 (SDN/QJ)- Dagaallada ka socda waddanka Yemen, ayaa saamayn xooggan ku yeeshay dhoofka Xoolaha Dekadaha Soomaalida ka dhoofi jiray, iyadoo toddobadii maalmood ee ugu dambeeyey Duqaymo Diyaaradaha Sucuudiga iyo Xulufadiisu ka geysanayey Yemen, isla markaana ay taasi keentay in la xidho isu-socodka Hawada sare iyo Badda Yemen. Markab Xoolo sida, ayaa dhawrkii habeen ee u dambeeyey ku xanniban Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, kaasoo xidhista Hawada iyo Badda Yemen, kaasoo ay saaran yihiin Xoolo kala duwan oo isugu jira Lo’ iyo Adhi u dhoofi lahaa dalka Yemen. iyaga oo inta badan marka laga reebo wakhtiga Xajka oo ay Xoolaha Soomaalidu Sucuudiga aad u tagaan ay inta kale sannadkii Suuqyada ugu badan ee Xoolaha Soomaalida loo dhoofiyaa ahaayeen kuwa dalka Yemen. Haddaba, Warbixntan oo Idaacada Hirad oo Fadhigeedu Yahay Caasimada Somaliland ee Hargaysa ay ka Diyaarisay Halkan ka Dhagayso. GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARBIXINTAN [peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DhoofXoolo02.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ