|

Saadaasha maanta iyo Akhiruzemenka oo Dunida dacaladeeda laga dareemay

Mexico Dec 21,2012(SDN)-Wax Dunida inteeda badan maanta si weyn looga hadal hayaa saadaasha in maanta ay ku beegantahay maalin sida ku xusan taariikhda Qowmiyada Mayanka in ay Aakhirulzemen tahay.

Dadka u kuurgala taariikhaha iyo saadaasha xiliga dunidu ay ku egtahay ayaa waxa ay qaar qabaan in Taariikhda Mayanka ay saadaalineyso in dunidu maanta ku egtahay.

Mayanka ayaa ah Qomiyad qadiimi ah oo degen dalalka Koonfur America,waana qowmiyad leh xadaarad iyo taariikh qadiimi ah.

Dadka u kuurgala taariikhda Qowmiyadaas ayaa qaba in dhamaadka taariikhda Mayanku aaney micnaheeda aheyn Yoomul Qiyaame,balse ay ka dhigan tahay bilow cusub.

Dal weynha China ayaa maanta waxa ciidamadu ay xabsiga u taxaabeen ilaa 1,000 oo ruux oo aaminsan in maanta dunidu ku eg’tahay oo isla markaana ku baaqay in dawlada Hantiwadaaga ahana la rido.

Dadka qaba in maanta dunidu ku egtahay ayaa aaminsan in cidii tagta magaalada qadiimka ah ee Mayanku Mexico ku leeyihiin ee Chichen Itza in ay badbaadayaan.

Sidoo kale magaalada buuraleyda ah ee ku taal France Bugarach ayaa la aaminsan yahay in ay tahay goob lagu badbaadi karo.

Turkiga ayaa sidoo kale magaalada Sirince ay isugu tageen dad qaba in halkaa looga badbaadi karo dhamaadka Dunida.

Serbiya ayaa iyana Buuraleyda Rtanje Hotelo ku yaal la buux dhaafiyay si markaa halkaa looga nabad galo yoomul qiyaamaha.

Dalalka reer Galbeedka ayaa inta badan ay ku badan yihiin dad qaba in ay dunidu dhamaaneyso maalmo kala gedisan,ilaa iyo haatana saadaal waliba waa ay beenoowdey.

Mararka qaar waxa dhacda in dadka qaba saadalaaha noocana in ay isdilaan kolka saadaashu beenoowdo.

SDN-Mexico

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed