|

R/wasaraha iyo Wafdi uu hogaaminayo Oo Muqdisho ku soo laabtay kana warbixiyay safarkii Kismaayo

Muqdisho March 29 2013 (SDN)– Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo galabtay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib booqasho dhawr cesho qaadatay oo ay ku tageen Magaalada Kismaayo ee Xarunta J/hoose ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Socdaalkoodii halkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isaga oo garbihiisa ay taaganyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gaashandhiga, Warfaafinta waxa uu saxaafada ugu sheegay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade in ujeedkii ay u tageen Kismaayo uu ahaa in Fariinta dowladda lagaarsiiyo dadka halkaasi ku dhaqan in Maamulka KMG ah ee halkaasi ka jira.

Saacid Faarax ayaa sheegay in uu la kulmay hogaamiyaasha Maamulka KMG ah ee Kimaayo ka taliya islamarkaana ay ay kawada hadleen arrimo badan oo xasaasi ah waxaana uu intaasi ku daray in In maamulka KMG ah oo muddo kooban soo shaqeeyay uu u baahan yahay in si dhameystiran dib loogu eego.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Shirka maamul u sameynta Kismaayo ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid aan waafqsaneyn sharciga islamarkaana ay dowladdu ka soo horjeedo waxaan uu xusay in maamulka KMG ah ay kawada hadleen arrintaasi balse aysan warcad ka soo saarin.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in dadka maamulka iyo daka Kismaayo ay qabsadeen muddo sadax cesho  ah in ay jawaab cad ku soo siiyaan dowladda Soomaaliya.

Wali Waxaa taagan Madowga Siyaasada Kismaayo kaga Aadan dowladda Soomaaliya waxaana horay maamulka KMG Kismaayo u cadeeyay in dowladda aysan sugu doonin oo ay howshooda wadan doonaan.

Comments are closed