R/wasaare Saacid oo sheegay in Ciidamada dowladda ay la wareegi doonaan Xudur
Muqdisho March 20 2013 (SDN)— Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay deegaano ay Al Shabaab dhawaan gacanta ku dhigeen ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib u qabasan doonaan.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonaan Gacan ku heynta Magaalada Xudur ee gobolka Bakool oo maalmihii la soo dhaafay ay la Wareegeen Ururka Al Shabaab.
Mr Sidoon ayaa carabka ku dhuftay in qorshaha Wasaarada Gaashaandhiga ee ku aadan qabsashada gobolada iyo deegaanada ay ku harsanyihiin Al Shabaab ay noqon doonaan kuwa ku socda sidii loo baahnaa.
Ra’iisul wasaare Saacid ayaa xusay in dowladda Soomaaliya aysan waxba u dhimidoonin bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee dhawaan isaga huleelay degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Dhanka Kale Cabadi Faarx Shirdoon ayaa Canbaareeyay Falkii Lagu gowracay wadaad caan ahaa oo ku noolaa Magaaladaaasi waxaana uu falkaasi ku tilmaamay mid arxan daro ah oo ka baxsan bini’aadminimada.
SDN-Muqdisho