|

R/wasaare Saacid oo Sharaxaad ka bixiyay sida wax looga qaban karo Amaanka dalka

Muqdisho May 08 2013 (SDN)— Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka hadlay xaaladaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho oo waayahan dambe aan wanaagsaneyn.

Isaga oo ka hadlayay banaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa waxa uu soo hadal qaaday sida wax looga qaban karo xaaladaha kala duwan ee dhanka ammaanka Magaalada.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in aan lagu fiirsan dowladda waxa uu ku sheegay ladagaalanka argagixisada Al-Shabaab, waxaana sidaasi awgeed uu ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan ammaanka taas oo uu sheegay inay tahay tan kaliya ee lagu sugi karo ammaanka.

Al Shabaab ayaa wali iyaga oo isticmaalaya xeelado kala duwan qaraxyo iyo dilal ka gaysta magaalada Muqdisho xili dowladda ay ku jirto heegan ay sheegtay inay ku sugeyso ammaanka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed