|

R/wasaare Saacid oo Muqdisho kula kulmay Wakiilka AU ee Soomaaliya Anaadiif (Sawirro)

Muqdisho May 22 2013 (SDN)—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi uu hogaaminayay wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadif.

Kulanka Ra’iisul wasaare Saacid iyo Ambassador Maxamed Saalax Anaadif ayaa waxaa ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Mas’uuliyiintan ayaa kulankooda diirada kusaaray Arrimo ay kamid yihiin Amniga, Hormarka AMISOM iyo Sanadguurada 50aad ee Ururka Midowga Afrika.

Ra’iisul wasaaraha oo saxaafada la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday kaddib ayaa waxa uu sheegay in Midowaga Afrika ay howllo badan ka qeybteen Soomaaliya, islamarkaana ay dowr weyn ka qaateen la dagaalanka Al Shabaab iyo Argagixisada.

Mr. Saaci ayaa ugu hanbalyeeyay Midowga Afrika sanad guuradooda 50-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay.

“Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay midowga Africa oo maalmo ka dib u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asaasay midowga Africa, Soomaaliya waxay hormuud ka ahayd wadamadii asaasay Midowga Africa. Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Africa oo gaarta horumar dhab ah”. Ra’iisul wasaare Saacid ayaa sidaasi yiri.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa mahad celin u diray wadamada Afrika ee ciidamada ugu deeqay Soomaaliya kuwaasi oo ka qeybqaadanaya howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed Saalax Anaadif Wakiil Midoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo isna hadlay ayaa tilmaamay in AU ay ka go’tahay taageerida Nabadeynta Soomaaliya.

Anaadif ayaa sidoo kale hanbelyeeyay sanad guuradii 50aad ee ka soo wareegatay Aasaaskii Ururka Midowga Afrika ee saldhigiisu yahay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

SDN-Muqdisho 

PM AU (1) (1)PM AU (2)PM AU

Comments are closed