|

RW Xamza oo dhigiisa Kuuriya la kulmay

Seoul June 06, 2024(QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo yeelan lahaa iskaashi faa’iido u leh labada dal ee Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi faa’iido u leh labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada kala wareejinta teknolojiyadda, kobcinta awoodda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo tignoolajiyada.

Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed Han Duck-soo ayaa sidoo kale ballan qaaday in dalkiisa uu ka taageeri doono Soomaaliya horumarinta mashaariicda muhiimka ah ee qaranka si ay uga faa’iideystaan ​​shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirar heersare ah oo ay la qaadaneysay dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika, iyadoo looga hadlay qorshaha horumarinta dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac faa’iido u leh, iyadoo Kuuriyada Koonfureed ay Soomaaliya ka caawineyso.

Comments are closed