|

RW Xamse oo sheegay in lala xisaabtamo sarakiil lahaa masuuliyada weerarkii Liido

Muqdisho August 04, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo xalay booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, ayaa kala hadlay tallaabooyinka adag ee lagula xisaabtamayo Saraakiisha ka mas’uulka ah goobihii ay Al-Shabaab weerartay. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beegsadeen dhalinyarada mustaqbalka iyo rajada dalka ah, islamarkaana aan wax siyaasad ah ku lug laheyn, isla markaana waqtigooda si nabad ah ugu raaxaysanayay dalkooda hooyo, kadib markii looga adkaaday furimaha dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan taageerada ay siinayaan ciidamada iyo hay’adaha amniga si loo cirib tiro Khawaarijta u taagan iska hor imaadka shacabka Soomaaliyeed.

Xamza Cabdi Barre ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu la kulmay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka, isagoo warbixin ka siiyay maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka, isagoo u muujiyay taageerada iyo garab istaagga. Waxa uu sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada ammaanka kaalintii ay ka qaateen samata bixinta iyo caawinta dadka shacabka ah ee dhibaatadu gaartay.

Comments are closed