RW Xamse oo sheegay in ay la hadlayaan Kooxaha xagjiriinta
Muqdisho February 29, 2024 (QJ) -Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxaha hubeysan ee dalka ku sugan, haddii nabad la helo, balse wuxuu carrabka ku dhuftay inay marka hore joojiyaan dilalka iyo weerarrada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Ra’iisul Wasaaraha oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu daah furayay Mabaadi’da Nabadda ee dalka, ayaa caddeeyay in dagaallada socda ee ay ku lug leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo kooxaha xagjirka ah ay yihiin nabad raadin.
Xamza Barre ayaa qiray dadaaladii hore ee dowladdu ay ku dooneysay in ay kula heshiiso xagjiriinta, isagoo hadda ballan qaaday in aan la iska indha tirin cabashooyinka sharciga ah haddii kooxaha hubeysan ay yimaadaan miiska wada hadalka.
Qaar badan oo ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka digtoon in ay si cad u sheegaan in ay wada hadal la geli doonaan Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS) xitaa haddii ay ka tanaasulaan falalka gurracan ee ay ka wadaan Soomaaliya.