RW Xamse oo ka hadlay dhaqaalaga Shabaabka
Qahira January 11, 2023 (QJ) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa mar uu la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar ayaa uga warbixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee ay dowladda Federaalku ku qaadday Al-shabaab.
Ra’isul Wasaahara ayaa sheegay inay Al-shabaab ay ka xireen 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 bangi. sidoo kalena xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen laba shirkadood.
RW ayaa sheegay in xogaha numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaabku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’
Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo numberada la xiray.
Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’.