|

RW Xamse oo doorashooyinka Jibaland ku tilmaamay sharci daro

Muqdisho November 18, 2024(QJ) Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku weeraray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe hamigiisa dib u doorashada.

Xamza ayaa sheegay in doorashada Jubbaland ay tahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin. Waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Jubaland inuu wado dano gaar ah oo uusan ahayn mid qaran, uuna jabiyay dhamaan heshiisyadii uu saxiixay, isla markaana uu galay doorasho aan la aqbali karin.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku andacoodey in Madaxweyne Madoobe uusan u banaaneyn inuu mar kale isu soo taago doorashada Jubaland maadaama uusan sharci u heysan, sida uu qabo qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland uusan xilka hayn karin wax ka badan labo xilli.

“Axmed Madoobe awood sharci ama awood uma lahan in uu dusha kala socdo doorashada Jubaland, waa sharci darro, wax kasta oo ka yimaadana waxay noqonayaan sharci-darro, hanaan aan sharci ahayn ma keeni karo natiijo sharci ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay laamaha amniga Jubaland inaysan ku lug yeelan arrimaha siyaasadda ee taagan, isagoo uga digay Madaxweyne Madoobe inuu ciidamada u adeegsado arrimo siyaasadeed.

“Walaalkey waxaan ka codsanayaa in uusan ciidan u isticmaalin arrimo siyaasadeed, tani waxay noqoneysaa dambi aan la cafin karin haddii uu sidaas sameeyo, waxayna keeni kartaa in ciidamada Jubbaland la kala qaado”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamza.

Leave a Reply