RW Xamse oo daahfuray diiwaangelin shacab
Muqdisho November 12, 2023 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay nidaamka daryeelka bulshada ee midaysan ee diwaan-gelinta bulshada, kaas oo looga gol leeyahay in lagu dhimo saboolnimada iyo hubinta cuntada, iyo wax ka qabashada arrimaha ay ka midka yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo macluusha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay marxaladda uu dalku marayo, isagoo ku sifeeyey in uu yahay qayb ka mid ah siyaasadda dowladda si loo gaaro horumar bulsho iyo xasillooni, isla markaana xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo wanaagga bulshada. Shacabka Soomaaliyeed.
Xamsa waxa uu ugu baaqday dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee ku hawlan dadaallada bini’aadantinimo in ay ka faa’iidaystaan Diiwaangelinta Bulsho ee Midaysan ee Dawladda si loo habeeyo gargaarka, loogana fogaado iska warqab la’aanta, loona hubiyo in gargaarku si degdeg ah u gaadho dadka u baahan. Habkan ayaa la filayaa inuu kobciyo kalsoonida shacabku ku qabaan dawladda kana qayb qaato taabo-gelinta dawlad xasiloon oo barwaaqo ah.