|

RW Xamsa oo kulan amni ku qabtay Muqdisho

Muqdiaho March 17, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir-gudoomiyay kulan looga hadlay amniga dalka, khatarta Al-Shabaab iyo sidii sare loogu qaadi lahaa amniga caasimadda.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Nabadsugida, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyadoo warbixino la xiriira amniga, la is weydaarsaday, iyadoo lagu nuux-nuux saday ujeedka Al-Shabaab ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed sida ay shaaciyeen warbixino sirdoon oo dhowaan soo baxay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in awood loo siiyo hay’adaha amniga si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay muhiimadda ay dowladdiisu u leedahay ka hortagga khatarta Al-shabaab, isagoo ku eedeeyay inay bar-tilmaameed ka dhiganayaan nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed