RW. Cabdiwali ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Qoryooleey
Muqdisho, 8, May, 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah saaka aroortii kaga soo ambabaxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta duhurkii gaaray degmada Qoryooleey oo kamid ah deeganadii dhawaan laga xoreeyay kooxaha Nabad-diidka Al-shabaab.
Safarkan oo qayb ka ahaa u kuurgalida xaaladaha gobolka Shabelada Hoose ayaa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Qoryooley boqolaal kamid ah shacabka degmadaas oo ruxayay caleemo qoyan Sawirka Ra’iisul Wasaaraha iyo calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana soo dhaweynta kaddib uu kulan ballaaran la qaatay waxgaradka, odayaasha,maamulka degmadaas iyaga oo halkaasina ay ku soo bandhigeen baahiyaha ay doonayaan in si deg deg ah wax looga qabto.
Taliyaha qeybta koowaad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay dhibaatooyinka ay ka cabanayaan shacabka ku dhaqanka degmada Qoryooleey ee ugu horreyso dhanka Amniga Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed inay wax ka qaban doonaan, wuxuuna ka dalbaday dadka shacabka ah ee degmadu inay gacan ka siiyaan kooxaha kusoo dhuumaalaysanaya dadka shacabka ah dhexdiisa.
Xildhibaan Bishaar Ugaas oo kamid ah xubnaha golaha baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda degmadaas ayaa uga mahadceliyay Ciidamadda XDS iyo kuwa AMISOM da’daalka ay ku bixiyaan xorreynta degmada iyo ammaanka oo suuragaliyay maanta inuu booqasho ku tago wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.
General C/laahi Xasan Bariise Madaxa hoggaanka saadka ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo dhankiisa kulankaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay dhawaan degmada Qoryooleey inay soo gaari doonaan Ciidamaddii Booliska Soomaaliyeed si amniga ay ka cabanayaan dadka shacabka iyo dhibaatooyinka kale ee geystaan kooxaha Al-shabaab wax looga qabto, wuxuuna geesta kale tilmaamay in la gaari doono degmooyinka kale ee weli ku harsanyihiin kooxaha Nabadiidka Al-shabaab.
Ugu danbayntii waxaa kulanka ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna dhammaan uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka degmada soo dhawaynta ballaaran ee u sameeyeen, isagoona xusay dhammaan baahiyadii kala duwanaa ee soo gudbiyeen shacabka iyo maamulka degmada Xukuumaddu si dhaqso intii awoodeeda ah inay wax uga qaban doonto.
“Qoryoolaydii soo dhawaynta, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imaado anigoo muddo ka maqnaa oo maanta u nimaadno ehelkaygii reer Qoryooley oo marlabaad gumaysi ka xoroobay, 1960 ayay xorowday oo calanka Soomaaliya laga taagay maanta waxay ka xorrowday gumaysigii dhiigyacabka ahaa ee Al-shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale sheegay dhammaan baahiyadii kala duwanaa ee soo gudbiyeen shacabka degmada Qoryooley Xukuumaddu inay ka hawlgeli doonto sidii wax looga qaban lahaa.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigii la socday ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee degmada Qoryooley oo kooxaha Al-shabaab ay ka bililiqaysteen dhammaan qalabkii yaalay, wuxuuna sheegay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed si deg deg ah in loo keeno doono Isbitaalka qalab uu ku shaqeeyo si dadka deegaanku u helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya isagoo soo maray safar dhulka ah oo qaatay muddo ka badan shan saacadood oo toos ah.
Booqashada uu maanta ku tagay magaalada Qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa qayb ka noqonaysa booqashooyin qaatay labo maalin oo Ra’iisul Wasaaruhu ugu kuurgalayey xaaladda dadka shacabka ee ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose.
SDN/QJ-Qoryooley
contact@qurbejoog.com