|

Ruushka oo weerar Mareykanku ku qaado Syria ku tilmaantay Sharci daro

Moscow Aug 31,2013(SDN)-Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushka ayaa war uu soo saarey ku dhaleeceeyay hadal heynta ah in Mareykanku qorsheynayo in uu weerar ku qaado dalka Syria.

“Iyada oo aaney jirin ogolaasho laga heysto gollaha amaanka in laga hadlo weerar lagu qaado Syria waa sharci daro cad”ayuu yiri Alexander Lukashevich.

Afhayeenku waxa uu ugu baaqay Mareykanka in ay laga war sugo kooxda Qaramada Midoobey ka Socota ee baaritaanka in sun la isticmaalay wada.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushku waxa uu ku baaqay in la meel mario qaraar ka soo baxay shir hore ay dalalka G8 ku yeesheen Lough Erne oo dalbayay in baaritaan wada jir ah la sameeyo oo deetana si wada jir ah loogu gudbiyo Gollaha Amaanka.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xili ay dawlada Mareykanku shaacisay in tilaabo ciidan oo Kooban ay ka qaadi doonto dawlada Syria.

SDN-Moscow
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed