|

Ruushka oo Soomaaliya ka caawinaya ladagaalanka Al Shabaab

Muqdisho May 223. 2024 (QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka Ruushka u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikhail Golovanov.

Wasiirka iyo safiirka ayaa intii uu kulanka socday waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta dadaallada wadajirka ah iyo sidii dowladda Ruushka ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ku tiirsanaato saaxiibada caalamka si ay wax uga qabtaan arrimaha la xiriira dadaallada ka dhanka ah argagixisada, xasilinta, iyo casriyeynta ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Safiirka Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in Ruushka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay dani ugu jirto xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

Safiirka ayaa maalmihii u danbeeyay kulamo uu la qaatay madaxda sare ee Soomaaliya oo uu ku jiro madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida Ruushka uu doonayo inuu taageero u siiyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Ruushka iyo Soomaaliya oo ahaa saaxiibo dhow 40 sano ka hor, waxay ku kala tageen dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977. Si kastaba ha ahaatee, xiriirkooda ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagayay.

Comments are closed