|

Ruushka Oo Saraakiil Ka Tirsan Booliska Kenya U Tababaraya La Dagaallanka Al-shabaab

Moscow:June,27,2014(SDN/QJ)-Ruusha ayaa sheegay inuu Kenya Ka Gargaari doono dhinaca la dagaallanka kooxaha Al-shabaabka oo faro baas ku haya Muddooyinkii ugu dambeeyey.

Russia Riot PoliceDhawaaqan Ruushka ayaa salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo kartida ciidamada booliska Kenya u leeyihiin la dagaallanka kooxaha argagixisada ah  oo muddooyinkii ugu dambeeyey Ammaanka Kenya hoos udhigay.

Isagoo ka hadlayay magaalada Nairobi ku xigeenka wasiirka arimaha dibada ee Ruushka Gennady Gatilov wuxuu sheegay in dowlada ruushka ay siineyso tababar ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowlada Kenya, iyadoo la doonayo in lagu kordhiyo tayada ciidamada booliska ee dalkaasi.

Ku dhawaad 25 sarkaal oo ciidamada boolis ah ayaa la qaadayaa iyadoo la siinayo tababar ku aadan difaacida weerarada argagixisada ee ka dhaca dalkaasi Kenya, waxaana la sheegay in kadib ay usii faa’ideyn doonaan ciidamada kale.

“Ruushka sidoo kale waxaa ka jira weeraro argagixiso taasi waxay na siineysaa inaan kor u qaadno khibradeena iyo awoodeena dhanka farsamada si aan isaga difaacno cadowga”sidaasi ayuu yidhi Mr Gatilov.

 

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Ruushka ayaa sheegay inaanay badalin garab istaagooda maxkamada caalamiga ee dambiyada ICC, isagoo amaanay doorka dowlada Kenya ay ka ciyaartay howlgalada Soomaaliya iyo Koofur Sudan.

 

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay dhankiisa tageerada dowlada Ruushka, isagoo sheegay inay taasi wax ka tareyso la dagaalanka Alshabaab iyo kooxaha ay xidhiidhka leeyihiin.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed