Ruushka oo NATO ugu baaqay in aaney Afgaanistaan ka bixin
Moscow Mar 19,2012(SDN)-Dalka Ruushka ayaa ku baaqay inaanay ciidamada gaashaan-buurta nato ee uu maraykanku hormeedka u yahay eek u sugan dalka afganistaan anay ka bixin dalkaasi ilaa inta ay ciidamada af-ganistaan awood u yeelanayaan in ay xasladaan amaanka dalkaasi.
Wasiirka arimaha dibadda dalka Ruushka Sargee lafa-roof ayaa waxa uu sheegay in qaanuunka caalamiga ahi uu dhigaayo in ay xukuumadda dalka af-ganistaan noqoto mid damaanad qaadi karta awoodna u leh inay amaanka dalkeeda ku filaato ka hor inta aanay ciidamada caalamiga ahi ka bixin dalkaasi.
Mr,Lafa roof, waxa uu xusay in qaraarada golaha ammaanka Qaramada midoobay dhigayaan inay lagama maar-maan tahay in dalka afganistaan ay ku suganaadaan ciidamo caalamiya oo amaanka dalkaasi ilaaliya , taasi darted waxa waajib ah in cidamada Caalamiga ah ee haatan ku sugani ay fuliyaan qaraaradaasi sida ay jidaynayaan oo aanay isaga bixin uun dalkaasi.
Sida la og-yahay dalka af-ganistaan in ka badan toban sanadood waxa ku sugan cidamo caalamiya oo tiradoodu ay dhan tahay ilaa boqol iyo sodon kun oo askari oo Naato hogaamiso oo kala howl gala xukuumadda afganistaan dagaalka ay kula jirto xarakada daalibaan.iyada oo qorshuhu yahay in ay ciidamadaasi afganistaan ka baxaan sanadka 2014-ka. Inta ka horaysana ay tahay in la kordhiyo tabarada la siinayo ciidamadda afganistaan si loogu diyaariyo inay awood u yeeshaan la wareegidda amniga dalkaasi.
Dhinaca kalena dalka maraykanka ayaa waxa uu xukuumadda af-ganistaan la wadaa wada hadal ku saabsan sidii ay iskaashi is-tiraatiijiyadeed oo wadaag ay ku yihiin ay u yeelan lahaayeen, fadhiisimo millateri oo rig-liyana ay ugu yeelan lahaayeen maraykanku dalka afganistaan wixii ka danbeeya 2014-ka.
SDN-Moscow