Ruushka oo ka jawaabay tilaabooyin reer Galbeedku isku abaabulayaan
Moscow April 05,2014(SDN)-Dawlada dalka Ruushka ayaa jawaab ka bixisay ficilo reer Galbeedku qaadeen oo ku wejahan dalkooda intii ka danbeysay farogelintii ay ku sameeyeen dalka Ukraine.
Ururka ay ku bahoobeen reer galbeedka ee NATO ayaa shaaciyay in ay cawda u jareen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dalka Ruushka.
Sidoo kale NATO ayaa shaaca ka qaaday in ay kor u qaadayaan dhaq dhaqaaqyadooda bariga Yurub si looga hortago xiisada ka aloosantay goosashadii Ruushku Ukraine uga goostay gobolka Crimea.
Dawlada Ruushka ayaa dhakeeda dib ugu yeeratay safiirkii NATO ugu qaabilsanaa isla markaana NATO ku eedeysay colaad hurin.
Ruushku waxa ay ku eedeeyeen madaxda NATO in ay ku howlan yihiin dib u soo nooleynta colaadihii u dhexeyn jiray Galbeed ka iyo reer Bariga.
SDN-Moscow
contact@somalidiasporanews.com