|

Ruushka Oo Cunaqabatayn Saaray Dalka Turkiga iyo Khilaafka Labadaas Dal Oo Hawada Isku Sii Shareeray

Ankara,29Nov,2015(QJ/SDN)-Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegay inay filayaan in isfahan la’aanta ka dhaxaysa Ruushka iyo Turkigu sii xumaan doonto kadib markii Moscow ay shaaca ka qaaday cunaqabatayn dhinaca dhaqaalaha ah oo ay kaga aargoosanayso diyaaradii la soo riday.

Tallaabooyinka uu Ruushku sheegay inuu qaadayo waxaa kamid ah xayiraad lagu soo rogay ganacsiyada Ruushku inaanay  shaqalaysiin muwaadiniinta Turkiga iyo xayiraada waxyaabaha laga soo dhoofiya Turkiga

Ruushku waxa uu dalbaday in Turkiga uu raaligalin bixiyo talaabada uu ku soo riday diyaaradda Ruushka, balse xukumadda Ankara way diidan tahay arrintaasi maadaama ay u aragto in hawadeeda lagu soo xadgudbay talaabo sax ahna ay qaaday.

Xiisada labada dal u dhaxaysa ayaa sii xumaatay  waxaana jira hadalo xanaf leh oo ay isdhaafsanayeen. Sidoo kale arinka ayaa saamayn ku yeelatay wadamada ku lugta leh dagaalka Suuriya ka socda, kuwaasi oo ku kala aragti duwan duqaymaha ay halkaasi ka wadaan.

 

 

Comments are closed