|

Ruushaka oo ku baaqay wadahadal siyaasadeed oo ku wejahan dalka Suuriya

Moscow Mar 18,2012(SDN)-Dalka Ruushka ayaa ku baaqay in   la bilaabo  Dedaal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatadda ka taagan dalka Siiriya ,lana taageero dedaalka  Ergayaga Qaramada midoobay iyo Jaamacadda  Carabta Koofi Anan.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Ruushka Sargee lafa-roof ayaa waxa uu sheegay inaanu dalkiisu taageersanayn  Xukuumadda siiriya, balse ay taageersan yihiin  in loo baahan yahay  dedaal siyaasadeeed in loogu xal raadiyo dhibaatadda siiriya iyo marka hore in  lagu dedaalo sidii xabadda loo  joojin lahaa..

Wasiirka khaarajiga Ruushka Mr, Lafaroof oo u waramayay telefishanka Ruushka waxa uu sheegay oo kale inaanu taageersanayn  qaraaro badan oo ay qaadatay xukuumadda siiriya in  uu dalkaas ka socday qalalaasaha dhiiga badani ku daatay ee muddada sanadka ku siman  socday.

Dalka Ruushku waxa uu  sheegay inay taageersan yihiin dedaalka uu siiriya ka wado Ergayga Qaramada midoobay iyo Jaamacadda Carabta  Mr,.  Koofi Anan, oo isagu  todobaadkii hore tegay dalka  Siiriya kullana la  yeeshay madaxweynaha dalkaasi Bashaar al-asad, uguna baaqay  in xabadda la joojiyo, kormeerayaal caalamiyana la  geeyo siiriya iyo in wada hadal siyaasadeed  ay wada galaan xukuumadda siiriya iyo mucaaridka ka soo hor jeedaa.

 SDN-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed