|

Ruug Cadaa ka baxay Guud ahaan Bah’da Fanka Somaalida oo Hargaysa lagu aasay

Hargaysa 25.April (SDN) Alle naxariistiisii Jano ha ugu Deeqee Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa ku Geeriyooday,Laguna Aasay Xabaalaha Naasa Hablood Marxuun Cismaan Maxamed C.kariin oo ku Magac dheeraa Cismaan Gacanlow,kana Mid ahaa Foolaadkii fanka,kaalin Mug lehna ka soo qaatay Horumarkii iyo Isbedeladii uu Sameeyay Fanku .

Aaska Marxuunka Waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan,Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal,Abwaano,Fanaaniin iyo dadweyne kale oo tiro badan

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa marxuunka ku sifeeyay in uu ahaa Hal-yey ka soo qayb qaatay Halgankii Xorriyadda Somaliland., Waxaana uu sheegay inuu ka mid ahaa inta fara ku tiriska ah ee Salka u dhigay Fanka.

Geesta kale Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray, Bahda Fanka iyo Suugaanta guud ahaan meel ay jooganba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, ALLE ha u naxariistee MARXUUM, CISMAAN MAXAMED CABDIKARIIM (CISMAAN GACANLAW).

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Abwaan weyn oo taariikh ku leh Fanka iyo suugaanta Soomaalida kana mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Salka u dhigay fanka iyo suugaanta.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo suugaanta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed