“Ruqso walba oo maamul goboleedyadu siiyeen shirkadaha shidaalka baara waa waxba kama jiraan wax ka soo qaadna malahan” Wasiirka Khayraadka ee Somalia
Muqdisho 11.October 2013 (SDN)- Wasiirka Khayraadka Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyadii shidaalka ee maamulada Puntland iyo Somaliland la galeen shirkadaha shisheeye .
“Ruqso walba oo maamul goboleedyadu siiyeen shirkadaha shidaalka baara waa waxba kama jiraan wax ka soo qaadna malahan, Shirkadaha shidaalku waa inay kala xaajoodaan Dowlada Federaalka Khayraadka Dalka” Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey shir lagu qabtay London kaas oo diirada lagu saarayey khayraadka ku duugan Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu cadeeyey in Dowlada Federaalka Soomaaliya ku hawlan tahay qorista Xeerkii Shidaalka iyo wax ka badal ay ku samayso Dastuurka KMG ah qodobadiisa ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah .
“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay gacanta ku haysaa sidii ay u qori lahayd shuruucda Khayraadka dabiiciga ah ee Dalka iyo weliba waxka bedel Dastuurka ee dhanka khayraadka waxaanuna hor dhigi doonaa Baarlamaanka si ay u meel mariyaan si Dowlada Federaalku ay u noqoto tan keliya ee leh awooda khayraadka dabiciiga ah”
Geesta kale Maamul Goboleedka Punt land ayaa Jawaab celin ka Sameeyay Dhawaqa ka soo Yeedhay Wasiirka Khayraadka ee dawlada Federaalka Somalia,kaas oo ay ku Tilmaameen mid aan ka Turjumayn danaha iyo dib u heshiisiinta Ummada Somalia isla markaana ku sifeeyay Hadalka Wasiirka Mid Qayrul Masuulnimo ah.
“Waxaanu u aragnaa hadalka DF mid qayru masuulnimo ah hadalada noocaas ahina maahan kuwo ka turjumaya danaha umada Soomaaliyeed waana kuwo sii wiiqaya rajadii laga qabay Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh, Xaqna uma lahan inay wax ka bedel ku sameeyaan Dastuurkii Soomaali ku heshiisay ” Ayuu yiri Wasiiru Dowlada Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Arrimaha Federaalka Puntland Dr. Seyid Maxamed Cabdule Xasan mar uu la hadlayey Warsidaha Garowe Online.
Seyid wuxuu ku sii daray hadalkiisa “Dowlada Puntland waxay sii wadaysaa qorshayaasheeda ku aadan sidii ay uga faa’iideysan lahayd khayraadka ku duugan dhulkeeda waana mid aanu xaq dastuuri ah u leenahay oo aanan cidna marti uga noqon doonin anagoo sii xaqiijinayna heshiiyada aanu kula jirno shirkadaha shidaalka”
Wuxuu xusay in todobaadka soo socda ay magaalada Garowe ku qaban doonaan shir weyne kaas oo diirada lagu saari doono sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka Puntland isagoo meesha ka saaray in hadalada ka soo yeeray Dowlada Federaalku ay dib u dhac ku keeni karaan dadaaladii ay ugu jireen ka faa’iideysiga khayraadka ku duugan deegaanada Puntland.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid taag daran aana awood u lahayn inay xaqiijiso amaanka deegaanada ay gacanta ku hayso waxayna loolan kula jirtaa kooxda Al-Shabaab oo iyagu goobo badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya weli ku xoogan inta badana Dilal, Qaraxyo iyo Weeraro qorshaysan ka fuliya meelaha ay Dowladu gacanta ku hayso sida caasimada Muqdisho.
Sida uu dhigayo Dastuurka Dowlada Federaalka Soomaaliya Dowladaha xubnaha ka noqon doona Dowlada dhexe waxay awood u leeyihiin inay heshiisyo shidaal baaris iyo kuwo caalami ah la galaan shirkadaha shisheeye taas oo sharci ka dhigaysa heshiisyada ay Puntland la gashay shirkadaha caalamiga ah waxba kama jiraana ka dhigaysa hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Khayraadka Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com