Ruqsad kale Oo Madaxtooyadu ku Siisay Shirkad Gaar Dhismaha Shirkaddii Nec-fish Oo Berbera Qasay Iyo Shacabka Oo Aad U Kacsan
Berbera:23-Dec-2013( SDN)-Waxa aad u kacsan Xaaladda Guud ee Magaalada Berbera, kadib markii ay ay xukuumaddu Ruqsad u siisay Shir gaar loo leeyahay Dhismaha iyo Agabka Shirkaddii Nec-fish xarunteedii Bebbera.
Amarka shirkaddan gaarka ah lagu siiyey dhismahan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Madaxtooyada ka hor intii aanu u gudbin wasaaradda Kalluumaysiga oo iyadu bixisay warqadda ay shirkaddu haatan ku yeelanayso awoodda ganacsi ee xaruntan.
Shacabka reer Berbera oo ay horkacayaan waxgarad, aqoonyahanno, xildhibaanno iyo Dhallinyaro ayaa arrintan ka gilgishay, waxana ay cabasho weyn ka muujiyeen in hantidii qaranka si bilaa shuruud ah loo siiyey shirkad gaar ah, iyagoo ku andacoonaya in goobta ay maaliyad badani kaga maqan tahay shirkad kale oo gacanta ku haysay tan iyo intii Somaliland Xorriyadeedda qaadatay.
Hormoodka magaalada Berbera ayaa cabashadooda u gudbiyey Madaxda XUkuumadda uga masuulka ah gobolkaas, balse waxa la sheegayaa inaanay is af garasho dhicin oo halkaas lagu kala kacay.
Sida ay sheegayaan wararka hoose ee naga soo gaadhaya magaalada Berbera, waxa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay shacabku u diyaar garoobeen inay dareenkooda ku muujiyaan mudaharaad salmi ah, iyadoo madaxda Gobolka Saaxilna ay arrintaas si aad ah ugu diyaar garoobeen.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa amarro is burinaya ka soo saaraysay Meelo ku yaalla Somaliland, gaar ahaan Gobolka Saaxil, iyadoo sanadkan gudihiisa amar madaxweyne Oo laga soo saaray dhul lagu sheegay aag ka caaggan demsiimadu uu kiciyey dareenka dadka reer Saaxil, taas oo markii dambe keentay inaanu amarkaasi sidiisii u hirgelin.
Sidoo kale waxa maanta meelo badan oo Hargeysa ah ka taagan muran iyo is qabqabsi ka taagan goobo madaxtooyadu bixisa ruqsadahooda iyadoo ay jireen dad hore loo siiyey oo haatan cabasho badan ka muujinaya.
Lama garanayo sababta keentay in madaxtooyadu muran noocaas oo kale ah waddanka ka abuurto oo ay iyadu sabab u noqoto in nabadgelyada waddanku faraha ka baxdo, waxase lagu wadaa in dhibkaasi ay wadaan dad aan masuuliyiin ahayn oo madaxtooyada dhexdeeda fadhiyaa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com