|

Roobab Jawi Deggen Ku Da’aya Oo Saaka Caasimadda Hargeysa Geliyey Maalin Saddexaad Oo Fasax ah

Hargeysa:May,20,2014(SDN/QJ)-Waxa ilaa iyo Salaaddii subax ee Saaka Caasimadda Hargeysa ku Hooraya Roobab  si wanaagsan loogu diirsaday oo jawi Haboon ku da’aya, kaas oo shacabka ku Khasbay inay Guryahooda ku Ekaadaan.

loyabiRoobka Saaka caasimadda ka Day’aya ayaa ah mid  aan dabaylo iyo dhibaato kale midna lahayn, isla-markaana ku daya hab deggen oo aan cabsi iyo baqdin midna lahayn.

Caasimadda ayaa ayaamihii la soo dhaafay aan wax roobab ahi ka da’in, waxana dadka ku dhaqani ay dareemayeen Baahi badan oo dhinaca Roobka  ah, iyadoo kulaylkana la dareemayey xilliyada Habeenkii iyo waliba duhurkii.

Shacabka caasimadda ku dhaqan oo hore shaqooyinkooda inta badan fasax uga ahaa munaasibadda 18-ka May awgeed Muddo Laba Maalmood ah, ayaa saakana  Guryaha Wali Hoosta kaga jira, mana jiraan   ilaa imika oo ay saacadda Geeskta Afrika tahay 8:15-daqiiq wax cid ah oo Suuqa u soo Baxday.

Goobaha waxbarashada ayaa subaxii saddexaad oo isku xiga saaka Roobkani fasax ka dhigay, iyadoo, shaqaalaha dawladduna aanay wali wax Hawl ah qabanin, maadaama oo xafiisyadii wada xidhan  yihiin, shaqaalihiina aanay Guryahoodii ka soo shaqo tegin.

Roobka ayaan ku  koobnayn kaliya Hargeysa, waxase uu ka da’ayaa Meelo badan oo caasimadda Hareeraheeda ah oo Baahi badan looga qabay, maadaama Roobkii Gu’gu aanu  si fiican uga wada Da’in Gobolada iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland.

Roobka ayaa kamid ah Barwaaqada ay reer Somaliland Noloshoodu sida Tooska ugu xidhan tahay, waxana Manaafacaadsada Kumanaan kun oo Neef oo xoolo ah iyo waliba Kumanaan Beerood oo ku Baxa Biyaha Roobka.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed