Reysul wasaaraha oo hambalyo ku aadan bisha Ramadaan u diray shacabka Somaliyeed
Muqdisho 28.June 2014 (SDN/QJ)- Reysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa caawa hambalyo ku aaddaan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Cabdiweli ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in ay si farxad iyo caafimaad leh ay ku soomaan, kuna cibaadeystaan.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska reysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in ay ka jiraan dalka abaaro iyo xaalado adag oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada isla markaana xukuumaddu daddaal ugu jirto in gaargaar la gaarsiiyo dadka dhibaateysan.
Reysul wasaaraha ayaa ugu baaqay dadka xoolaha heysta ee ku nool guddaha dalka iyo dibedda inay taageero u fidiyaan kuwa ku dhibaataysan xerooyinka barakacayaasha iyo qaar ka mida gobollada dalka.
Wuxuu eebbe ka baryey in bishan barakeysan ee Ramadan fadligeeda u dembi dhaafo muslimiinta oo dhan oo uu dhex dhigo naxariis iyo nabad ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Reysul wasaaraha ayaa ugu baaqay kooxaha dadka ku dhibaateeya fahamka khaldan ee Islaamka ay ka heystaan inay ka noqdaan oo ay dadkooda dhinac ka raacan, dembi dhaafna alle weydiistaan.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com