Reer Yurub oo dalbaday in wadahadalo laga yeesho basaasida Mareykanka
Brussels Oct 25,2013(SDN)-Madaxda dalalka reer Yurub oo haatan uu kulan uga socdo magaalada Brusselsvayaa waxa wadahadaladoodii hareeyay in Mareykanku dhegeysto isgaarsiinta shacabka iyo madaxda dalalka reer Yurub.
Yurub oo ah xulufada ugu weyn ee Mareykanku dunida ku leeyahay,waxaana haatan xiriirkaasi hareeray mugdi ka dhashay in basaas lagula kacay xulafada Mareykanka.
Madaxda reer Yurub ayaa haatan dalbanaya in ay Mareykanka wadahadal kala yeeshaan baaxada dhegeysiga lagula kacay.
“madaxda Yurub waxa ay doonayaan in ay wadahadalo la yeeshan Mareykanka si la isula meel dhigo hanaan sirdoonku ku wada shaqeeyaan oo waadaxa”sidaa waxa yiri madaxwenaha midawga Yurub Herman Van Rompuy.
Mr Rompuy ayaa sheegay in la socodka isgaarsiintu ay muhiimad baaxad leh u leedahay la dagaalanka argegixisada,waxase ay haatan abuurtay aamin daro.
Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka Jay Carney ayaa saxaafada u sheegay in madaxweyne Obama uu u sheegay madaxda Yurub in aaney jirin wax ay ka werweraan.
Xiisadan siyaasadeed ayaa ka dhalatay xog uu shaaciyay nin u shaqeyn jiray hay’ada amniga Mareykanka ee NSA.
Edward Snowden oo haatan megengelyo ku jooga dalka Ruushka ayaa siiday xogaha naxdinta leh ee NSA-da oo haatan xurgufta diblomaasiyadeed u abuuray madaxweyne Obama.
SDN-Brussels
contact@somalidiasporanews.com