|

“Reer Sh. Isaxaaq in ay yihiin dad xaq darro diiday oo dulmi iyo cadaalad darro ka dagaalamay oo adkaaday iyo hadana in ay dad la ciilay oo la gumaaday Sidoodii U Hadlaan Iskuma Helayaan..”” Cali Guray

London:11-March-2014(SDN)-Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa ka Biyo Diiday Hannaaka ay qaarka mid shacabka Somaliland uga Hadlaan Halkankii Hubaysnaa ee lagu xoreeyey Dalka.

cali gureyMujaahid cali Gurey ayaa warbixin dheer oo uu  Barta uu Face-book-ga ku leeyahay soo Dhigay, ayaa Sheegay inaan dadka reer Somaliland Gaar ahaan Beelaha Isaaqa ee iyagu Dagaalka la soo galay Dawladdii Militariga ahayd ee Siyaad Barre looga Baahnayn inay Ciil qabaan Maanta oo libini dushooda ka Muuqato. “Reer Sh. Isaxaaq laba iskuma helaan eh mid ha doorteen in ay yihiin dad xaq darro diiday oo dulmi iyo cadaalad darro ka dagaalamay oo adkaaday oo libtii iyagu la huleelay oo “GUUL TIRSANAYA” iyo hadana in ay dad la ciilay oo la gumaaday oo laga adkaaday oo “CIIL QABA” yihiin. Ciilka in uu qabo ma waxa leh ka guulaysta mise ka laga guulaysto ee laga adkaado?. Xasuuqu marka ay dagaal guushiisa iyo guul-daradiisa tahay ma qayb CALI-GUREYbuu ka yahay mise kama aha?. Aniga waxay ila tahay kama aha ee marka aynu nidaamka gaalada iyo shuruucda ay inoo dhigeen eegno waxa loo arki karaa DHAGAR LAGA GALAY BINI AADAMINIMADA laakiin marka aynu muslin nahay xaalku wuxu noqonayaa kuwo ajala-hoodi dhamaadeen oo ilaahay looxal maxafuudkiisa ku sii qornaa, sida cid wal oo kale ba, goorta iyo sababta mawdkoodu. Cid kasta oo naf ku goysay xaq darro-na ilaahay maalinta qiyaame wuxu waydiin doonaa ” WAA MAXAY DENBIGA LAGUU DILAY”(Bi ayi dembin qutilat).” Ayuu Qoraalkiisa ku sheegay Mujaahid Cali Gurey.

Mujaahidka ayaa sidoo kale Dhaliilay Qaabkii uu mujaahid Muuse Biixi dhawaan uga Hadlay Goobtii lagu aasayey Hadhaadha Lafaha dadkii ku dhintay Halgankii umaddu dalka ku  soo xoraysay, waxana uu yidhi,

“ anigu hadalkii gudoomiyaha Kulmiye maan wada qaadan waayo ma ihi mana noqon karo nin adkaaday oo hadana ciil qaba cidda uu u qabo na aan runtii garanaynin. Intii dhimatay Alleh Ha U naxariisto in aan ku dhaafo mooyee in aan u aaro waxaan ka door bidayaa in aan inta nool noloshooda ka taliyo waayo wax kasta oo la sameeyo kuwii dhintay iigu soo noqon maayaan. Maanta aniga xaal kaygu waa:”

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed