Reer Mudisho OO Xalay Hurdada Loo Diiday iyo Inka Badan 20-Madfac Oo Xaafadaha Lagu Weeray
Muqdisho:13-Feb-2014(SDN)-Ugu Yaraan 20-Hoobiye ayaa Habeenkii Xalay si Is Daba Joog ah Loola Eegtay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Madaafiicdan ayaa si gaar ah ugu Hoobanayey Xaafado Ka Mid ah Magaalada oo ay ka mid yihiin waaberi, wardhiigley, Hodan, Xamarweyne iyo Yaaqshiid, waxanna ay dhammaantood dhacayeen wixii ka Dambeeyey Sagaalkii Habeenimo.
Saraakiisha Dawladda ayaa sheegaya inay Tirokoob ku jiraan oo ay Hubinayaan Tirada Soo dhacday, isla-markaana aanay Haatan wax Faahfaahin ah wali Bixin karin.
Khasaaraha wali si rasmi ah looma Hayo, laakiin waxa la sheegay in Hal Dumar ahi ku dhaawacantay Degmada Yaaqshiid oo ka mid ah Meelaha Madaafiicda lagu weeraray.
Guryo ku yaalla Degmada Yaaqshiid ayaa sidoo kale la sheegay in Miino lagu Qarxiyey warar Faahfaahsanna lagama Hayo wali.
Madaafiicda Badankooda ayaa ku Hoobanayey Meelo aan sidaa uga Fogayn Goobta Looga arrimiyo Dalka ee Madaxtooyada, walina Ciidanku wax tallaabo ah Ma Ay qaadin.
Ilaa iyo Haatan ma jirto cid sheegatay inay Madaafiicdan Shacabka Hurdada u diiday Sheegatay, waxase inta Badan Weerarada Noocan oo kale ah Lagu Yaqaanna Kooxda Dawladda Dagaalka Kula Jirta ee Alshabaab.
Madaafiicdani waa tiradii ugu badnayd ee laga maqlo magaalada ee si toos ah ugu soo dhacay Xaafadaha Magaalada.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com