Reer Laascaanood oo weli diidan Somaliland
Laascaanood January 11, 2023 (QJ) -Qaar ka mid ah Madax dhaqameed reer Laascaanood iyo xukuumada Somaliland ayaa kulan magaalada Laascaanood ay ku yeesheen uga wadahadlay dilka dhawr ruux oo ay halka ciidamada Somaliland ku dileen.
Madaxdhaqameedku Waxa ay sheegeen in wasiirada ay la kulmeen ay ugu tageen si ay ugala hadlaan, arrinta mid kamid ah shacabka magaalada oo maalmo ka hor ay ciidamadu toogteen xili habeen ah. Odeyashu Waxa ay sheegeen in siyaasad ahaan ay taageersanyihiin baaqii cuqaasha gobolka Sool ee Somaliland ka dhan ka ahaa, isla markaana anay jirin wax dilka ninkaa aan ahayn oo ay kala hadleen xukuumada Somaliland.
Odayaasha iyo waxgaradka gobolka ayaa wada ollole ay rabaan in ay ciidamada Somaliland gobolka kaga guuraan, iyaga oo doonaya in gobolka Sool iyo deeganada la jaar ka ah ay u sameeyaan maamul u gaar ah oo dowlada Soomaaliya hoostaga.
Dhinaca kale, xukuumada ayaa dadaal ugu jirta sidii shacabka loo dajin lahaa, isla markaana loo sugi lahaa amaanka gobolka oo maalmihii lasoo dhaafay qalalaase ka taagnaa.