|

Reer Jabuuti iyo Dareenka ay ka Bixiyeen Wersheda Sharaabka ee Hargeysa Laga Furay

Jabuuti May23,2012(SDN)-Dadka reer Jabuuti ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibediisa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay shirkada Sharaabka ee SPI ee ay gadhwadeenka ka yihiin ganacsato xidhiidh dhaw la leh madaxtooyada Jabuuti.

Dadka reer Jabuuti ayaa dareenkooda ku wejahan wershada Hargeysa madaxtoodu ka furtay ku soo dhaweeyay suaallo aan haatan jawaab loo heyn.

“Jabuuti ayaan leheyn werdhed 17 million lagu maalgeliyay ilaa iyo intii dalkani uu qatay madaxbanaanidiisa”sidaa waxa ku hadaaqday Caasha Giire oo xaflada furitaanka wersheda SPI ka dawaaneysay meel meherada oo Jabuuti ku taal.

“Dhalinta reer Jabuuti ee Jaamacadaha dalka ka qalin jebiyay ayaa u baahan shaqo abuur noocaasa oo dalkan laga hirgeliyo”sidaa waxa isna yidhi mid ka mida ardeyda dhawaanta ka qalinjebisay jaamacadaha dalka oo diiday in magaciisa lagu xuso warbixintan.

Dadka reer Jabuuti ayaan ka wada sineyn dareenka diidmadu ku dheehan tahay ee shirkada SPI ku wejahan.

“Hargeysa iyo Jabuutiba ka la maal gelyo waa isku hal,ee yaan dadka naxli la kal dhigin”ayuu yidhi Maxamed Cadaawe oo malgashiga reer Jabuuti horumar guud uun u arkayay.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed