Reer Burco Oo Ka Gadooday Beddelka Taliye Boolis Iyo Magaalada Oo Xalay Kala Xidhantay
Burco:23-Dec-2013(SDN)-Jawiga Magaalada Burco ayaa xalay Khalkhal ku yimi kadib markiiDadweyne raxan raxan u socda ay socod iyo Sawaxan iSugu soo baxay Jidka wadnaha ah ee magaaladda.
Dadkan ayaa si weyn iskugu urursday Aagga Suuqa Cawaale Suqaar iyo Maqaaxida Shaah Shiil, iyagoo ku dhawaaqaya Erayo ay kaga soo hor jeedaan bedelaada taliyaha Booliiska Gobolka Togdheer oo dhawaan lagu dhawaaqay markii taliyaha boliiska maamulka Somaliland uu soo saaray wareegto.
Taliyaha Booliiska maamulka Somaliland C/laahi Fadal Iimaan ayaa la sheegayaa in uu bedelay Taliyayaashii goboladda Togdheer iyo Sool isagoo ku bedelay Taliyayaal kale oo uu ka soo bedelay Goboladda Awdal iyo Selal.
Dadweynaha isu soo baxa sameeyey oo u badnaa dhalinyaro waxa ay diidanaayeen in taliyijii deegaankaasi oo in muddo ah hayey Xilka Taliyanimo ee Gobolka Togdheer uu xilkiisa waayo, iyagoo sheegay inaan beddelkaasi ahayn mid caddaalad ku salaysan.
Qolyaha cadhaysan ayaa waxa ay kala xidheen magaalada oo dhan muddo dhawr saacadood ah si ay u muujiyaan dareenkooda, waxase markii dambe la sheegay inay halkaas gaadheen Odayaal-dhaqameed iyo waxgarad badan oo ku guulaystay inay arrinta xalliyaan.
Taliye Fadal ayaa isagu isku shaandhayn sameeyey, waxana ay taasi keentay in shacabka reer Burco ay u cuntami weydo in taliyahoodii loo beddelo Deegaanka Saylac oo ah meel xeeb ah.
Xaaladda Magaalada ee Saaka ayaa la sheegayaa inay deggen tahay, waxana haatan si habsami leh u socda xaaladda nololeed ee Magaalada Burco.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com