Raysul wasaaraha Soomaaliya oo Lugtii Sadexaad ee Socdaalkiisa Maanta ku tagay Nairobi
Nairobi 18.Feb 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay galabta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdiga raysul wasaaraha waxaa qeyb ka ah wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Raysul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda dalka Kenya, oo uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo xiriirka labada dal.
Sidoo kale raysul wasaare Cabdiweli ayaa lagu wadaa inuu caawa la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Kenya.
Raysul wasaaraha ayaa horay u booqday dalalka Itoobiya iyo Jibuuti.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com