|

Raysul wasaaraha Somalia oo Maanta ka Hadlay Hadalkii Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ee Qaadacaada Heshiiskii Maamulka Lixda Gobol {DHAGAYSO}

Muqdisho 25.June 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaare Dawlada Federaalka Somalia Cabdiwali Sheekh ayaa  Shir Jara’id oo galabta ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aden Cade ka hor intii aanu u dhoofin dalka   Equatorial Guinea oo  uga qayb galayo shirka Madaxda Africa,Waxa uu ka hadlay arrimo door ah oo taabanaya arrimaha bulshada sida Dhibaatada ummada Somaliyeed haysta iyo Sidii naxariis loo Muujin lahaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wuxuu dhinaca kale ka hadlay in qeybo ka tirsan gobollada dalka ay ka jiraan xaalado bini’aadannimo, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta inay u gurmadaan dadka tabaalaysan.

Cabdiweli ayaa sheegay in dadka ku nool gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe ay soo wajaheyso xaalad cunto iyo biyo yari, kaddib markii uu daahay roobkii la filayay, deegaannada qaarna ay go’doomisay Al-Shabaab.

 GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII RA’ISAL WASAARAHA

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CodkaRa’iisul.mp3″]

Muqdisho SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed