|

Raysul Wasaaraha Israel oo dib loo doortay

Jerusalem Jan 23,2013(SDN)-Xisbiga Xagjirka ah Likud-Beitenu bloc ee uu hogaamiyo raiisul wasaare Benjemin Netenyahu ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay doorasho shalay ka dhacaday dalka Israel.

Raaisul wasaaraha oo guusha ka dib jeediyay kudbad ayaa sheegay in uu soo dhisi doono metesha guud ahaan dhinacyada siyaasada ee dalkaasi.

“Natiijada Doorashadu waxa ay muujineysa isbedelka ay shacabku baahida weyn u qabaan”ayuu yiri Natanyahu.

Xisbiga dhexdhexaadka ah ee Yesh Atid oo laa filayay in uu guul soo hooyo ayaa galay kaalinta labaad oo waxa uu helay 19 kursi.

Natanyahu ayaa waxa dulucda ololihiisii dib u doorashadu aheyd in uu ishortaagi doono in dalka Iiran sameysto hubka Nuclearka,waxaanu sheegay in caalamka uu ka codsan doono in arrinkaa wax lagala qabto.

Natenyahu oo sanadihii u danbeeyay ku guuldareystay in uu dib u bilaabo wadahadalo caalamku sugayay oo dhexmara Israel iyo Falastiin isla markaana aan xiriir wanaagsan la leheyn Madaxda reer Galbeedka ayaan la fileyn in dib loo soo doorto.

SDN-Jerusalem

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed