|

Raysal-wasaaraha Pakistan oo Maxkamadi ku heshay dambi dhif iyo naadir ah in Madaxda Dunida lagu xukumo

Islamabad 26, April 2012 (Qurbejoog.com)- Raysal-wasaaraha dalka Pakistan Yusuf Raza Gilani, ayaa lagu helay inuu ku talaabsaday fal yasitaan Maxkamadeed ah.

Sida ay ku warantay VOA News, Maxkamaddu waxay xukunkan gaadhay Khamiista maanta, ka dib markii ay in muddo ah soo jiitamaysay in Mr. Jilani iska dhego-tiray oo diiday in dib loo furo kiis hore oo loo haysto Madaxweyne Asir Ali Zardari, kuna saabsan eedaymo musuqmaasuq.

Raysal-wasaaruhu waxa uu ku doodayaa in Madaxweynuhu xisaanad qaran leeyahay, sidaa aawadeedna aan la maxkamadayn karin inta uu xilka hayo.

Hase yeeshee, Maxkamadda Sare ee qaranka Pakistan, waxay maanta Raysal-wasaaraha ku riday xukun la xidhiidha inuu yasay Maxkamadda.

Maxkamaddu waxay xukun 6 bilood oo xadhig ah ku riday Raysal-wasaare Yusuf Raza Gilani, iyadoo natiijada xukunkani sababi karta inuu shaqada baneeyo.

Xukunkaa ka dib, Raysal-wasaaruhu waxa uu dhismaha Maxkamadda ka baxay kiiyoo qoslaya, una gacan-haadinaya taageerayaashiisa joogay barxada Maxkamadda Sare ee Pakistan.

Qurbejoog.com, Islamabad

Comments are closed