Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka oo Isku Shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada
Muqdisho 25.Oct 2014 (SDN/QJ)-Raysal-wasaaraha Xukuumadda Fedeeraalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmaed, ayaa Isku-shaandhayn ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada, waxaanu isku beddelay qaar ka tirsan Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumaddiisa.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa Warbaahinta dawladda ka akhriyay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Raysal-wasaaraha oo lagu kala beddelay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda, waxaana isku shaandheyntaasi ay tahay sidan hoos ku qoran:-
“1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir
3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa
4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur
5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan
6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow
7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad
8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur.”
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com