Raxan Daanyeerro ah Oo Xoog Kula Wareegay Biyo Loo Waday Dadweyne Ku Harraadanaa Gobolka Gedo
Garbahaarray:Aug,24,2014(SDN/QJ)-Waxa Maalintii shalay ka dhacday Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo dhacdo yaab badan, kadib markii raxan daayeerro ahi weerar laxaad leh ku qaadeen Dameero u dhaansanaa Dadka deegaankaas deggen oo Haraad iyo abaaro la ildaran.
Daayeerradan ayaa iyagoo kooxo kooxo u socda waxa ay weerar ku qaadeen Daameero Biyo lagaga soo raray Goobo Fogfog iyo Dadkii watay, kuwaas oo khasaare Badan geystay.
Daanyeeradu waxay xoog kula daggeen caagado ay biyo ku jiraan, iyagoona cabay, horena u sii qaatay qaar ka mid ah caagadihii, sida laga soo xigtay dadka ku dhaqan deegaanada Yaaqle, Nus Dariiq, Qoriyow Joofaa iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.
Yaaqle waxay deegaan ahaan hoos tagtaa deegaanka Ceel-cadde, oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo. Nus Dariiq iyo Qariyow Joofaa waxay iyaguna hoos taggaan deegaanka Dhamase, oo Xuduuda Somaliya iyo Kenya dhaca.
Nin degan deegaanka Yaaqle, ayaa sheegaaya in daanyeeradii wax weerartay, ay sidoo kale nolosha ku cuneen, adhi ku rarnaa dameeradii la weeraray, isla-markaana ay ka difaaci kari waayeen dadkii watay.
Wuxuu kaloo sheegay in dhacdadan ay noqoneyso nooceedii ugu horeysay oo ka dhacda Gobolka Gedo, isagoo tilmaamay mid si weyn looga hadalhayo qaybo ka mid ah Gobolka Gedo.
Dhacdaddan, ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli Gobolka Gedo laga soo sheegaayo abaaro iyo biyo la’aan, isla-markaana ay dadku bilaabeen in ay u geeriyoodaan haraad iyo macluul.
Gudoomiyaha deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo Cabdi Cali Cabdi , ayaa dhinaciisa sheegay in dad iyo duunyaba ay u baahan yihiin biyo iyo cunaba, ayna la’aantood noollaan karin.
SDN/QJ